Madaxwaynaha jamhuuriyadda Djibouti Ismaaciil Cumar Geele oo ay weheliyaan marwadiisa Khadra Maxamuud Xayd, wasiirka difaaca Xasan dharaar hufane, iyo taliyaha ciidanka qalabka sida ee Djibouti General Sakariye Sheekh Ismaaciil, ayaa ka qayb galay dabaal degga 38 guurada kaso wareegtay maalintii Djibouti ay xoriyadda ka qaadatay gumaystihii Faransiiska 1977-kii.
Dabaal degga ayaa ka bilaabmay fagaare ku yaala magaalada Djibouti, waxaana gaardis ku soo maray Qaybaha kala duwan ee ciidamada Djibouti, iyadoo ay daawanayeen dadwayne badan iyo masuuliyiinta dalkaasi oo uu hurmuud u yahay madaxwaynaha Jamhuuriyadda Ismaaciil Cumar Geele.