Dawlada Imaaraatka oo Gaadiid milatari ugu deeqday Somaliya xili cunaqabtaynta QM ay wali saarantay + SAWIRO.

Dawlada Imaaraatka Carabta ayaa Gaadiid gaashaaman ee dagaalka ugu deeqday dawlada Somaliya xili wali aan laga qaadin cuna qabatayntii qaramada midoobay saartay guud ahaan dhulkii la isku odhan jiray Somaliya.

Gaadiidkan oo maanta kasoo dagay dakada magaalada Muqdisho ayaa si loo jahawareeriyo beesha caalamka lagu sheegay in loogu deeqay Ciidanka Booliiska iyo Wasaarada Amniga Gudaha maadama ay Somaliya cunaqabtayn saarantay oo  Ciidanka Qaranka iyo Wasaarada Gaashaandhiga aan lagu magacaabi karin.

Wasiirka amniga gudaha Somaliya C/risaaq Cumar Maxamed iyo taliya bilayska  Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa gaadidkan kala wareegay safiirka Dawlada Imaaraatka u fadhiya Somaliya Maxamed Axmed Cusmaan Al Xumaadi.

Maaha markii koowaad ee imaaraadku ay Gaadiid ku wareejiyaan Somaliya ,bishii hore ayay maamul goboleedka Jubaland hubkani oo kale ugu deeqeen.

Dhinaca kale Gudida dabagalka u qaabilsan Cunaqabtaynta Hubka Somaliya ayaan wali arintan ka hadal.

Halkan  ka Daawo.

10 11 12 13 1415 22 33 44 55 66 77 88 99

 

logadagnn