Shilkani ayaa ka danbeeyay kadib markii gaadhi ay leeyihiin Ciidamada Darawiishta Puntland oo ka tagay degaanka Tukaraq oo u sii jeeda dhinaca Caasimada Garoowe uu kula qalibmay jidka isku xidha labada Magaalo.
dhaawaca ciidammada ayaa la geeyay Cisbitaalka Garoowe halkaas oo lagu daweynayo, Madaxweynaha Puntland ayaa Cisbitaalka ku booqday Askarta dhawacantay,si rasmiya looma oga sababta keentay shilka balse inta badan waxa sabababa Waddooyinka oo xun iyo wadayaasha oo xawaare sare kuwada gaadiidka, Shilkani ayaa kamid noqonaya kuwii ugu khasaaraha badnaa ee iskood u soo gaadha Ciidamada Darawiishta Puntland oo in muddo ah ka dhaca degankaasi.