Maamulka Puntland oo 8 Sannadood Kadib Dagaal Ku Qaadaysa Laascaanood iyo Ciidamada Somaliland Oo Heegan La Galiyay.

Garowe (GNN)-Maamul gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa qorshaynaya inay dagaal ku soo qaadaan Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ee Somaliland.

Labadii Maalmood ee u dambeeyay ayaa deegaannada u dhow xadka gobolka Sool la wadaago Garoowe laga dareemayay dhaqdhaqaaqyo ciidan, waxaana aagaga qaarkood la soo dhoobay ciidan la sheegay in laga soo ururiyey deegaannada kale ee Maamulka Puntland.

Ilo-wareedyo kala duwan ee ku sugan Magaalada Laascaanood ayaa Wargeyska Somalilandtoday u sheegay in ciidamada Puntland ee Aagagaasi la soo dhoobay ay qorsheynayaan dagaal ay doonayaan inay ku qabsadaan deegaanno ka mid ah gobolka Sool, kuwaasi oo ay ku jirto Magaalada Laascaanood.

 

Ilo-wareedyada aanu warkan ka soo xiganay ayaa tibaaxay in qorshaha dagaal ee Puntland uu ka soo baxay Madaxweynaha Maamulkaasi, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), kaasi oo doonaya inuu fuliyo ballan-qaad uu ololihii doorashadiisa u sameeyay shacabka Puntland, kaasi oo ahaa inuu xoreynayo deegaannada gobolka Sool oo Maamulkaasi rumaysan yahay inay mulkiyaddiisa leeyihiin.

Khubaddii uu bishii afraad ee sannadkii 2014kii markii uu Madaxwayne Cabdi wali Maxamed Cali Gaas la wareegay xilka Madaxtinimo,waxa uu sheegay inuu soo celin doono dhulka maqan ee ka maqan maamulka Puntland.

 

Walaalayaal dhulka maqan waa boog ku taal Puntland waa dhaawac ku yaal qof kasta oo Puntland ku nool ,beel beel kama qabsan ee maamulbaa maamul ka qabsaday,dhulku beel gaar ah kama maqna,faataxo laguma qabsan,faataxana kusoo laaban maayo,wixii siyaasad ku salaysan siyaasad baan ku maaraynaynaa wixii xoog looga maarmi waayana waxaa lagama maarmaan ah Puntland inay fuliso waajibkii loo igmaday ee dastuuriga ahaa,waxaa dadka Sool,Sanaag iyo Cayn lagu hoday haykal dowladnimo, Puntland waxay ku fashilantay waajibaadkeedii dastuuriga ahaa,waajibaadkeeda koowaad ee dowladnimadda Puntland waa inay difaacdaa nafta,maalka iyo sharafta muwaadinka Puntland.

 

Dib usoo celinta dalka maqan waxaa lagu maaraynayaa talo guud si masuuliyadeeda loo wada qaato cid gaar ahna aan lagu halayn,walaalayaal xildhibanada sharafta leh,murashaxiinta tartamaya waxaa lagu kala dooranayaa khibradooda maamul dowadnimo,khibradooda siyaasadeed,taariikhdooda waxqabad,aqoonta iyo fahamka ay ka qabaa geedi socodka iyo isbadalka ay Puntland u baahan tahay inay gaarto maanta,waxaan kalsooni ku qabaa inaad Puntland u dooran doontaan shaqsi wixii shaqaynaya horay usii wada,wixii ka dhimana ku abuuro waqti kooban si loo dabaalo baahida baahsan ee dalka ka jira.”Cabdi Wali Gaas

 

Halkan ka daawo muuqaalka maalinta ciidanka Somaliland ka xoreeyay Laascaanood majeerteeniya.

 

Halkan ka daawo muuqaalka Khudbaddaa uu jeediyay Cabdiwali gaas

 

Hasa-ahaatee, waxa la sheegayaa in ciidamada Qaranka Somaliland ee ku sugan jiidda hore ee gobolka Sool oo ka war haya qorshaha Puntland la galiyey heegan culus, si ay uga hor-tagaan isla-markaana dhirbaaxo ugu dhuftaan Maleeshiyaadka Puntland ee dagaalka qorsheeyay.

Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa Ciidamadii Puntland ka joogay Laascaanood iyo deegaannada gobolka Sool ka saarey sanadkii 2007-dii.

 

 

 

 

 

logadagnn