Madaxweynaha JSL oo Dhambaal Hambalyo ah u dirayaa munaasibada bisha ramadaan Shacbiga Somaliland Meelkastoy Joogaan

Madaxweynuhu waxa uu ILLAAHAY uga Baryayaa inuu Sannadka Sanadkiisa Bash-Bash & Barwaaqo ku gaadhsiiyo bishan bisheeda ummadda Islaamka dhamaantood. Isaga oo dhambaalkan mid la mid ahna u Dirayaa Madaxweynuhu Shucuubta islaamka ee Caalamka ku nool guud ahaanba.
Sidoo kale waxa uu Bisha Barakaysan ee Ramadaan Awgeed ILLAAHAY uga barayayaa Bukaan jiifka ay ramadaan ugu soo gashay iyaga oo aanu caafimaad koodu taam ahayn, awoodna aan u lahayn soonka ALLE inagu waajibiyey, in uu ka dulqaado xanuunka, intii dhimatay ee aan nasiibka u yeelan in ay innala qaatan farxadan qaaliga ah ee Bisha Ramadaana waxa uu Illaahay uga baryay danbi dhaaf iyo inuu janatu fardawsa ka waraabiyo.
ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.