DAAWO:Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Ahna Kusimaha Madaxweynaha Ayaa Maanta Ka Qeyb Galay Xaflad Lagu Xusaayey Maalinta Deegaanka+SAWIRO

Madaxweyne ku xigeenka Jmahuuriyada Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna ku simaha madaxweynaha Somaliland ayaa ka qaybgalay xaflad balaadhan oo lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Deegaanka iyadoo xafladan lagu adkaynaayey maalinta deegaanka.

Waxaana halkaasi ka hadlay wasiiro badan oo ku dheeraaday qiimaha ay leedahay maalinta deegaanku, sidoo kale waxaa iyana halkaasi ka hadashay Wasiirka Deegaanka Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare kuna dheeraatay xuska iyo qiimaha ay leedahay maalinta deegaanku iyadoo ka warbixisay siday ka wasaarad ahaan uga hawl galeen ilaalinta iyo dhawrista deegaanka , Wasiirku waxay ku soo dhawaysay Madaxweyne ku xigeenka JSL Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)

Madaxweyne ku xigeenkuna waxa uu halkaasi hambalyo uga diray cid kasta oo ku hawlan ilaalinta deegaanka, gaar ahaana wasaaradda deegaanka oo mudooyinkii u danbeeyey ku hawlan ilaalinta iyo dhawrista deegaanka xilweyna iska saartay.

 

madaxweynekuxigeenka madaxweynekuxigeenka1 madaxweynekuxigeenka2 madaxweynekuxigeenka3 madaxweynekuxigeenka4 madaxweynekuxigeenka5 madaxweynekuxigeenka6 madaxweynekuxigeenka7 madaxweynekuxigeenka8 madaxweynekuxigeenka9 madaxweynekuxigeenka10 madaxweynekuxigeenka11 madaxweynekuxigeenka12 madaxweynekuxigeenka13 madaxweynekuxigeenka15 madaxweynekuxigeenka17 madaxweynekuxigeenka19 madaxweynekuxigeenka20 madaxweynekuxigeenka21

logadagnn