Wararka ayaa tilmaamaya in gaadhi lagu soo xidhay walxo qarxa lala beegsaday xarunta isla markiina ciidamada AMISOM ee kasoo jeeda wadanka Ethiopia ay fureen rasaas xoogan oo ay is waydaarsadeen dablay kale oo markii qaraxu dhacay kadib, damacsanaa in ay gudaha u galaan goobtaasi.
Laamaha amniga Soomaaliya ee ku sugan magaalada cadaado ayaa laga soo xigtay war sheegaya, in la dilay dhamaan raggii weerarka soo qaaday, balse ilaa iyo hadda lama hayyo xaqiiqo muujinaysa khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxa saaka ka dhacay cadaado.
Xarunta la weeraray waxaa ku sugan boqolaal oday dhaqameed ah, kuwaasi oo ka shiraya sidii maamul loogu samayn lahaa gobolada galguduud iyo mudug.