Mooshinkii Maanta Xilka Lagaga Qaaday Maayorka Iyo Maayor Ku Xigeenka Golaha Degaanka Degmada Boorama.

Boorama(GNN)-Xildhibaanada Golaha Deeganka Degmada Boorama Ayaa Fadhi Ay Saaka Yeesheen Waxaa Ay Mooshin Ka Keenen Maayarka Magalaadaasi Mudane Saleexaan Xasan Xaddi Iyo Ku Xigeenkiisa Mudane Maxamed Muxumad Faarax (Dheerayste) kullan ka dhacay xafiiska Maamulak Gobolka Awdal oo uu shir gudoominayay Gudoomiye Ramaax.

Fadhigan ayaa waxaa soo xaadiray 18 Xildhibaan Waxaana Xildhibaanada Golahaasi Ay Cod Gacan Taag U Qaadeen Xil Ka Qaadista Maayarka Magalaadasi Iyo Ku Xigeenkiisa ,Jagada Moyarka Magaalada Borama Waxaa U Tartameyey 5 Xildhibaan Oo Ka Tirsan Golahaaasi Waxaana 13 Xildhibaan Oo Ka Tirsan Golahaasi Ay Cod Gacan Taag AH Ku Doorteen In Uu Noqdo Maayarka Maagalada Boorame Xildhibaan Maxamed Xassan (Meydhane) Halka Ku Xigeenkiisana Ay 7 Xildhibaan U Gacan Tageen In Uu Noqdo ugu doorteen Xildhibaan Cumar Ileeye Jimcaale.

logadagnn