Rasaas xoogan ayaa la maqlay markii qaraxu dhacay kadib, dad badan oo aan tiradood la xaqiijin karin ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi oo ay masuuliyaddiisa sheegteen ururka Al-shabaab ee dalka Soomaaliya.
Lama oga khasaaraha qaraxa kasoo gaadhay safiirka Emirate-ka iyo waftiga kale, oo la sheegay in ay la socdeen gaadiidka xabadda celiya.
Al-shabaab ayaa xoojiyay weeraradooda tan iyo markii ay bilatay bisha Ramadaan, wixii markaasi ka dambeeyay Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay in ka badan 10 dil oo lagu bartilmaameedsaday saraakiil dawladda ka tirsan.
Wararka kasoo kordha qaraxaasi kala soco Gabiley.Net