Ururka Somaliland Solidarity Group oo kulan casho sharaf iyo is barasho ah la yeeshay Amb Maxamuud Aaden Jaamac – Safiirka cusub ee Somaliland u fadhiyi doona Ethiopia

Ururka Somaliland Solidarity Group oo ah urur ka dhisan gudaha wadanka UK , ahna urur u dooda xuquuqda dadka Somaliland iyo gooni-isu-taageedaba oo xaruntoodu tahay magaalada Bristol ayaa maalintii Sabtidii waxay kulan is barasho iyo casho sharaf iyo dood wadaag la qaateen safiirka cusub ee dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u magacaabay Wadanka Ethiopia Amb Maxamuud Aadan Jaamac.
Kulankaas oo oo ah kulan aad ay uga soo shaqeeyaan waxa goobta isugu yimi raga iyo dumarka ururka Somaliland Solidarity Group.

Waxa kale oo ka soo qayb galay Suldaanka Magaalada Bristol Suldaan Mahdi iyo waliba Kaysar C/laahi oo ah Safiirka Wareega ee Somaliland.

Guud ahaan kulankan is barashada iyo casho sharafta iskugu jiray oo ku soo gabogabeey jawi farxad leh, ayaa gabogabadii waxa su’aalo lagu waydiiyey safiirka cusub iyo doorka uu ka qaadan doono xilkaa culus ee loo magacaabay kuwaas oo uu uu safiirka si wanaagsan uga jawaabay, waxaanay Ilaahay uga baryeen in xilkaa culus ee loo magacaabay Amb Maxamuud Aadan Jaamac Ilaahay u fududeeyo.

solidarity10

solidarity1

1 2 3 4 5 6 7

solidarity2

solidarity4

solidarity5

solidarity6

solidarity7

solidarity8

solidarity9

solidarity10

logadagnn