Ururka Towfiiq oo Deeq Timir ah Gaadhsiiyay Qoysas Danyara ah oo Ku Nool Xaafada Siinaay + SAWIRO.

Hargaysa(GNN)-Ururka Tawfiiq Ayaa Deeq Timir Ah Soo gaadhsiiyay Dadka ku dhaqan Dagmada Axmed Dhagax Siiba Xaafada Siinay Deeqdaasi oo Ahayd 195 Tanag oo Timir Ah.

Ururka Tawfiiq oo u taagan Taageerida Dadka jilicsan iyo Daryeelka bulshada ku dhaqan Gobolada Hawd Ayaa ugu talo galay in Ay Caawiyaan bisha ramadaan Dadka Aan iyagu haysan waxa ay ku Afuraan.

Munaasibada Loosameeyay Sidii Loogu wareejin Lahaa dadka Maaskiinta Ah agoomaha iyo Dadka jilicsan ee loogu talo Galay ayaa waxa kasoo qayb galay Xubno ururka ka mid Ah Masuuliyiin iyo Qurbo Joog.

Sheekh Maxamed oo Munaasibadan Xidhiinayay Ayaa cadeeyay in ururka Tawfiiq markasta u taagan yahay sidii uu u horumarin Lahaa Bulshada ku dhaqan Deegaanada Gobolka hawd Iyo Deegaanka Bariga iyo Galbeed ee Ay beeshu Dagto,isaga oo carab dhabayna in Tartan Quraan bisha Rabadaan ka Qaban Doonaan Gobolka Hawd.

Cismaan Cilmi Kaydi oo ku hadlayay Afka Qurba Joogta ee Ururka Tawfiiq ayaa ku dheeraaday Deeqdan iyo Muhiimada ay leedaha isaga oo cadeeyay in Ay soo Socoto Deeq kale oo badani.

“Waan ku Faraxsanay inaan ka soo qayb galo munaasibadan Khayriga Ah ee aynu ugu talo galnay in aynu ugu qaybino dadka masaakiinta Ah Am baahan Barnaamijkan Afurka Ah,Anigan oo u rajaynaya Ururka Soo bixiyay Cida Gacan Ka gaystay iyo Qofkasta hawshan gacan ku lahaa inuu ilaahay Khayrkiisa siiyo,aniga oo ku hadlaya Afka Ururka Tawfiiq ee Qurba Joogta Ah waxaan u sheegayaa Halkii Tanag ama Labadii Aynu isku Gaynay Ay keentay Maanta Tirada Intaas leeg in aynu Afurino.

Intaas waxa uu raaciyay Cismaan Cilmi Kadiye.”Arinka Maanta Aynu halkan ku qaybinaynaa waxa ay ka dhalatay isku Tiirsanaanteen iyo Anaga oo isku Duuban,tana waxa ay noqonaysaa tusaale hordhac u ah,waxa yaabaha faraha badan ee inaga waajibka inagu Ah ayay tahay in Aynu dadkeen jooga dalka Caawino,waxaana tan inoogu xigi doonta in aynu gacan wayn ka gaysano baahiyaha kale ee reerku qabo Ee Sida biyaha waxbarashada iyo Caafimaadka.

Cismaan Cilmi Kadiye oo ku hadlayay Afka Qurba Joogta Ee Ururka Tawfiiq ayaa Cadeeyay in Ururkii Kaalmadii uu soo bixiyay Ay soo gaadhay dadkii Masaakiint Ahayd Loona Bahan yahay in Halkaas Laga siikordhiyo Dadaal Dheerna Lamuujiyo Si Aynu dadkeena Masaakiint Ah u caawin Lahayd.

“Xaadiis Ayaa odhanayay Qofka Sooman ee Aad Afuriso Ajarkiisa Mid Lamid Ah ayaad leedahay,waxaanan Aad iyo Aad ugu rajo waynahay aniga oo fariinta u diraya Qurba Jooga in wixii aad soo dirtaan halkaad ugu talo gashaan lagayn Doono Maanta Tani gaadhay,Ururkuna waxaan fari lahaa inuu laban laabo dadaalkiisa wax intan ka badan looga fadhiyo.

Cabdi Siyaad Xasan Axmed oo isna ka Mid Ururka Tawfiiq Ayaa ka waramay Deeqdan timirta inta Ay ka kooban tahay iyo Maraaxilkii Kala duwanaa ee Ay soo Martay.”Ururkan Tawfiiq waxa uu ku sugan yahay daafaha Caalamka waxaanan odhan karaa wali laba bilood muujirin ayaa hadana maanta dadaalkiisa uu sameeyay ururkii tawfiiq durba waxa uu bilabay deeqdii ugu horaysay oo ay ku afurinayaan dadka danyrata ah am Masaakiinta,ururkuna waxa uu u taagan yahay ka war haynta dadka jilicsan iyo deegaanada uu u dhashay ee uu ka soo horjeedo.

intaas waxa uu raaciyay Cabdi Siyaad Xasan Axmed.”Tirada Maanta Halkan Ee Afurka Ah laguna bixinayo waxa ay ka kooban tahay 195 tanag oo timir Ah oo ka yimid Dhamaan ururka Tawfiiq dibad iyo Gudaba,deeqdii ugu horaysay iyada oo Ah hadana intaas kuma Koobnaan Doonto ee waanu kasii badin Doonaa bishan Ramadaan,Ururkuna waxa uu diyaar u yahay inuu Xifdiga Quraanka Kariimka Ah ka Qabto gobolka hawd iyo Deegaanada Bariga Ama Galbeed ee uu kasoo jeedo Ururku,waxaan ugu baaqayaa inta ururka ku jirta inta ku soo biiri Doonta iyo Inta ka baxsan in Ay kalin Muuqata ururka ka qataan.

Oday Xaaji Xasan oo ka Mid Ah dadka Qaatay Timirta ayaa ururka mahad Balaadhan u jeediyay ilaahay uga baryay inuu Garab Galo,waxaana uu magaca ururka sida laga dheehan karo ku macneeyay inuu yahay kii Tawfiiqda Lahaa isaga oo u soo jeediyay in Ay dhexda u xidhaan sidii Ay dadkooda masaakiinta Ah u caawin lahayeen,isku duubni iyo midnimana ugu muujin lahayeen si ay u caawiyaan dadkooda jilicsan wakhti kasta.

Ubax Maxamed Oo iyaduna ka mid Ah qurba joogta ku dhaqan dalka Maraykan kana Mid Ah ururka Ayaa iyaduna Hadalo dhax Gal Madasha ka jeediysay waxaana ay tidhi.”ururkani waxaan ugu mahad naqayaa sida uu ugu heelan yahay dadkiisa taakta daran aniga oo ku hadlaya Afka Qurba Jooga waxaan idin leeyahay waad mahad Santihiin Sidaad u garateen inaad dadkiina Caawisaan iyada oo diwaanka idiin galin doonta inta oo kaliya laydin Kama fadhiyo waxaan ku rajo waynahay inaad dadaal muujisaan hawl Karnimo si aynu u gaadhno himiladeena.

Gaba-gabadii Munaasibada loo sameeyay Wareejinta timirta Ayaa dadkii qofkastaba Gacantiisa ku qaatay iyaga oo mahad naqa wayna u diray ururkaas isa soo xilqaamay ee gartay inuu caawiyo dadkooda jilicsan.

 

 

logadagnn