Wafti uu Hogaaminayo Madaxweyne Siilaanyo oo Maanta Safar Ku Tagaya Itoobiya.

Hargaysa(GNN)-Wafti uu hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa la filayaa inay maanta safar kedis ah oo aan hore loo sii shaacin ay ku tagi doonaan magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia.Safarkan Madaxweynaha ee dalka Itoobiya ayaa la filayaa inay ku wehelin doonaan Wasiirrada Arrimaha dibada  Somaliland Md Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancadde, Wasiirka Madaxtoyada Xirsi Cali X. Xasan iyo Marwada koowaad Aaminna Xaaji Maxamuud Jirde.

Inkasta oo aanu jirin wax war ah oo rasmi ah oo ay Madaxtooyaddu ka soo saartay safarka Madaxweynaha Somaliland ee dalka Ethiopia, iyo ujeeddooyinka uu xambaarsan yahay toona, haddana ilo wareedyo u dhuul-daloola qasriga Madaxtooyada ayaa sheegaya in safarkan weftiga Madaxweynuhu uu qaadan doono muddo dhowr maalmood ah.

Warku waxa uu intaas ku darayaa in safarka weftiga Madaxweynuhu uu daaran yahay martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Raysal Wasaaraha Ethiopia, waxaanu weftiga Madaxweynuhu inta ay joogaan Addis Ababa, ay kulamo la qaadan doonaan Madaxda sarre ee dalka Ethiopia, waxaana lagu wadaa in ay  ka wada-hadli doonaan xidhiidhka dublamaasiyadeed, ganacsi iyo amni ee labada dal ka dhaxeeya, waxa kale oo warku intaa ku daray in weftiga Madaxweynuhu ay Addis ababa, u sii dhaafi doonaan caasimada dalka Kenya ee Nairobi..

Booqashada Madaxweyne Siilaanyo ee Ethiopia, ayaa ku soo beegantay kadib dhawr toddobaad oo safaarada Ethiopia ku leedahay Somaliland hakisay Fiisayaasha dal ku galka ee ay bixin jirtay Safaarada Ethiopia, waxaanna jira warar sheegaya in Ujeedada safarka Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo la xidhiidho arrimahaa iyo kuwo kale, hase yeeshee Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa waraysi uu bixiyey waxa uu ku sheegay in arrinta Fiiseyaasha dal ku galka Itoobiya  ay dhammaatay oo dib loo bilaabi doono Maalmaha soo socda.

 

logadagnn