DAAWO:Shirkii Nabada ee Coodanle Oo Maanta La Soo Gabagabeeyay iyo Qodobada Lagu Heshiiyey. + SAWIRO.

Ayadoo Mudo Gaadhaysa Laba Todobaad Uu Shir Uga Socday Deegaanka Coodanle Beesha Bariga Burco Iyo Deegaanka Buuhoodle Ayaa Maanta Si Rasmiya Uu Shirkaasu Usoo gabageeyeyWaxaana Shirkaasi Lagasoo Saaray

War Saxaafadeed Bayaaminaya Heshiiska Ay Gaadheen Labadaasi Beelood

Qodobada Ay Labada Dhinac Ku Heshiiyeen Ayaa Iyagu Ahaa Kuwo Xal U Ah Labadaasi Beelood Iyo Nabadaynta Deegaanada Qorilugud Iyo Buuhoodel Waxaana Qodobadani Ay Si Cad Uga Hor tegayaan Colaad Mar Danbe Halkaasi ka Qaraxda Halkaasi Hadii LagU Dhaqmo Qodobadan.
Qodobada Heshiiska Ayaa U Dhigan Sidan
Heshiiska Arimaha Dhiiga.
1. Waxay ku heshiiyeen labada beelood nabadgelyo buuxda, daris wanaag iyo in beel waliba ilaaliso xuquuqda beesha kale.
2. In wixii dil iyo dhaawac dhexmaray labada beelood laga soo bilaabo Kalshaale lagu kala samray oo aan waxba laga soo qaadin iyadoo wixii gaade ku dhintayna la isu tuuray.
3. Qofkii danbe ee wax dila labada beelood dhexdooda la waafajiyo shareecadda Islaamka, sidoo kale wixii khilaaf ah oodhan ee beelaha dhexdooda ka yimaada lagu dhameeyo shareecadda Islaamka.
4. In aan beelina magan gelin nin gacan ku dhiigle ah oo dil kasoo geystey beesha kale dhexdeeda loona adeegsado cidkasta oo awood u leh inay wax ka qabato.
5. In wixii hadda ka danbeeya cidii dil geysataa ay ku kooban tahay isaga iyo qoyskiisa cid ugu kaalmayn kartaana aanay jirin.
6. In wixii maanta ka danbeeya dhibkii dhaca lagu dhameeyo xal nabadgelyo oo ay waxgaradka iyo gudiguu ka kulmaan isla markaana ay reeban tahay in la isugu gurmado.
7. In la qabto gudi nabadgelyo oo ka kooban 10 xubnood, oo labada beelood iska dhexqabtaan shirka ayaa laga dhex qabanayaa gudiga.
Sheshiiska arimaha dhulka
1. Waxay labada beelood ku heshiiyeen in beesha Habarjeclo degmo baliga Goble-Magan, beesha Dhulbahantana Hagoogane, inta u dhaxaysana sida Kalshaale aan la qodi karin.
2. Waxay labada beelood ku heshiiyeen si loo ilaaliyo daaqa inaan deegaan danbe oo cusub laga samayn karin dhuldaaqeenka u dheexa labada beelood, Sida Inta u dhaxaysa Xadhadhan iyo Coodanle, Goble-Magan iyo Hagoogane, Galgal iyo Qabri Hulul, Qoriligud iyo Maygaagle, Horufadhi iyo Adhi-Boob.
3. In la wada dego magaalada Adhi-Boob.
Waxaa saxexay heshiiskan Isimadda
1. Suldaan Cabdalaahi Suldaan Cali
2. Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe.
3. Boqor Maxamuud Cali Carab
4. Suldaan Siciid Cismaan Cali
5. Garaad Saleebaan Buraale Aadan.
6. Maxamuud Xaaji Xuseen.
Intaas oo metelaya Isimadda kale ee labada beelood ayaa heshiiska wada saxexay.
Heshiiskan Ayaa Waxa Uu Salka U DHigayaa Nabad Waarta Oo ka Dhalata Deegaanada Buuhoodle Iyo Qorilugud Halkaasi Oo Ay Mudo Dheer Ka Jirtay Colaad Baahsani Waxaana Uu Sahlayaa Wada Noolaansho Iyo In Dadka reer Miyiga Ahi Ay Isu Talaabaan.
P1120781P1120782P1120783P1120784P1120785P1120786P1120787P1120788P1120789P1120790P1120791P1120792P1120793P1120794P1120795P1120797P1120798P1120799P1120800P1120801P1120802P1120803P1120804P1120806P1120814P1120815P1120816P1120817P1120821
logadagnn