Warbixin uu TelefishankA CNN Baahiyey Oo Madaarka Cigaal ee Hargeysa ku Daray Gegooyinka Heer Caalami ee duullimaadyada Tooska

Hargeysa, (GNN)- Shirkadda Duulimaadyadda Caalamiga ah ee FlyDuba, ayaa todobaadkii ina dhaafay ka bilawday duulimaadyo la daah furay garoonka ugu weyn madaaradda Somaliland ee Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa, iyada oo duulimaadkaasi horta lehi ay noqoneyso kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee shirkadani ka bilawdo Somaliland.

Sida lagu sheegay Warbixin kooban oo ay qortay Wakaaladda CNN ee dalka Mareykanka laga leeyahay, Duulimaadada ay shirkadda Diyaaraddaha Casriga ah ee FlayDubia ka bilawday Madaarka Hargeysa ee Caasimadda Somalialnd, ayaa in kasta oo aanay shirkaddani Xarunteed ugu weyni

Afrika ku oolin hadana waxay ka dhigeysa duulimaadkeeda hargeysi inay ku biiri doonto 12 Caasimaddood oo Qaaradda Afrika ku yaala oo ay hor uga shaqeyn jirtay, kuwaasi oo duulimaadyo aan hakad la heyn ay iskaga kala gooshi jirtay Shirkadda FlyDubia ee dalka Imaaraadka laga leeyahay.

Waxanay kala yihiin Magaalooyinkaasi Afrika ku yaala ee ay ka hawlagasho shirkaddan Diyaaraddaha ee duulimaadyada Casriga ah ee FlyDubia Addis Ababa, Alexandria, Bujumbura, Dar es Salaam, Djibouti, Entebbe, Juba, Khartoum, Kigali, Kilimanjaro, Port Sudan, Zanzibar iyo Magaaladda Madaarka Hargeysa ee Caasimadda Somaliland oo ay hada duulimaadyo hor leh ka bilawday.

Shirkadda Dayaaradda ee FlyDubai, ayaa xarunteedu tahay Magaaladda Dubia ee waddanka Isku taga Emaaraadka Carabta iyada oo isla waddankaasi laga leeyahay, waxaanay Shirkaddani ka mid tahay kuwa ugu jaban Caalamka ee rakaabka diyaaraddaha ku socdaala raacaan.

Warbaahinta Caalamka, ayaa maalmihii u dambeeyey si weyn wax uga qorayey duulimaadyada ay Shirkadda Flydubia ay ka bilowday Somaliland, taas oo ay ku tilmaameen in ay ka turjumayso nabadgelyada iyo horumarka ka jira Somaliland in ay soo jiidatay imaanshahooda Madaarka Hargeysa.

 

 

logadagnn