Wasaarada Shaqada SL oo Maanta Carwo Ka Furtay Magaalada Hargaysa + SAWIRO.

Hargeysa(GNN)- Wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada  Somaliland ayaa waxaa ay  maanta magaalada Hargeysa ka furtey carwo ay ugu  magac dartey carwada shaqo abuurka dhalinyarda Iyo farsamo  yaaqanka Somaliland   .

Carwadan oo socon doonta muddo laba cisho ah isla markaana laga furey hotel maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxweyne ku xigeenka somliland , wasiirka shaqada iyo arimaha bulshada ,wasiir ku xigeenka wasaaradaasi ,wasiirka madaxtooyda , wasiirka xanaanada xoolaha ,wasiirka deeganka ,gudoomiyaha haayada shaqaalaha ,wasiir ku xigeeno ,madax ka socotey  shirkadaha somliland ka hawlgala  iyo masuulyiin kale .

Ugu horeyn waxaa munaasibadan ka hadlay agaasimaha guud ee wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada Somaliland waxaana uu ku war bixyey ahmiyada ay carwadani u leedahay  dadka shaqo la,aantu hayso   oo uu xusey  agaasimuhu in carwadani ay noqon doonto mid dalka somliland faa,ido u keenta marka laga istaago dhinca shaqo abuurka

Sidoo Kale waxaa Iguna madashaasi Ka Hadlay  wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha , wasiirka wasaarada deegaanka , wasiirka wasaarada madaxtooyada iyo gudoomiyaha haayada shaqalaha waxaana ay dhamaantood carabka ku adkeyeen in shirkadaha ka hawl gala dalku aaney dadka ay shaqo ahaan u qaadanayaan u qaadanin  sifo sharci daro ah balse ay u qaataan si sharci ah oo ay iska daayan dadka ay ku qaadanayaan qaabiilka iyo danaha  gaarka ah

Masuulyiintan ayaa waxaa ay sidoo  kale  sheegeen in dalka aanay ka jirin shaqo  la,aani balse dadkeenu aaney aheyn dad qabanaya shaqooyinkii dalku u baahna oo ay dad kale oo ajaanib ahi ka faa,ideysanayaan iyoogna shirkadaha dalka ka hawl  gala ku booriyey in ay shaqalaha dalka u dhalaanin ay ku badelaan shaqaale rer Somaliland ah oo qaban kara shaqada uu ninka ajaanibka ahi qabanaayo  Iyagoona sidoo kale wasaarada waxbarashada ku booriyey in ay dalka ka hir galiso iskuulo  lagu baranaayo farsamada gacanta si dadkeenu ay u bartaan farsamada gacanta .

Dhinca  kale waxaa iyaguna madasha ka hadlay madax  ka soctey  shirkadaha DAHABSHIIL , SBI , Haas Petroleum , SOMCABLE  Iyo TELESOM   waxaana ay dhamaantood ay cod dheer ku sheegeen in shaqaalaha u shaqeeya ay yahiin shaqaale rer Somaliland  ah isla markaana ay  jiraan  shaqale kooban oo ajaanib ahi balse shaqaalahaas ajaanibka ahi ay yahiin qaar laga maari waayey shaqada ay shirkada u hayaan balse ay ku dadaali doonan sidii shaqalahaas kooban ee ajaanibka ah ay ugu badeli laheyeen shaqaale kale oo Somaliland ah qabanayana shaqadii ay qaban jireen shaqalaahaasi .

Gabo gabadii waxaa madasha hadlo kooban ka yidhi wasiirka wasaaarada shaqada  iyo arimaha bulshada somliland  waxaana uu yidhi “Waxaan jecelahay in aan mahad naq aan u jeediyo shirkadihii ka soo qeyb galay oo aaney u suurto galin dhamaan in ay halkan ka wada hadlaan aad iyo aadna waan ugu mahad celinayaa doorka ay kaga jiraan dalka iyo ka soo qeyb galka ay ka soo qeyb galeen carwadan

Shaqadu waa shaqaale ,shaqo doon iyo loo shaqeeye  wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada waa biriish u dhaxeeya shaqo doonka iyo loo  shaqeeyaha  markaas carwadani waa bilow laba cishana wey socon doontaa” ayuu yidhi wasiirka shaqada iyo arimaha bulshada somliland Dr.Cabdi AW Daahir .

Ugu danbeyntii  waxaa madasha ka  hadlay isla markaana hadlo waano u badan madasha isna ka yidhi  madaxweyne ku xigeenka somliland cabdiraxaman cabdilaahi ismaciil seylici waxaana u yidhi  “Ganacsatadu door weyn bey ka ciyaareen intii uu dalkani soo jirey waana laf dhabarta Somaliland wax badana wey soo qabteen runtii  sidoo kale jaamacadaheenu wey da daaleen  oo waxey soo saaren ardey faro badan oo ay tacliin bareen  ta kal yaata ee maanta dalkeena ka maqani waa farsamadii gacanta  waxaanan jecelahay in bulshada u sheego  in madaxweynaha somaliland amrey in marka ay shirkadu shaqaale  qaadneyso ay u qaato nidaam ay dawladu u sameyneyso balse aanay u  qaadanin nin jecleysi iyo qaarabo ahaanba ” ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenka somliland Cabdiraxamaan cabdilaahi ismaciil seylici.

 

 

logadagnn