Abiib Timacad Iyo Samaale oo Dalka Ku Soo Laabtay Iyo Dareenka Ku Xeeran.

Waxa dalka dib ugu soo laabtay wasiiradii hore ee Wasaaradaha Maaliyada iyo Warshadaha Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Abiib Diiriye Nuur.

Labadan mas’uul oo beryahan socod wada jir ah ku marayay dalalka Kenya iyo Sacuudiga ayaa hadda ka soo laabtay magaalada Barakeysan ee Makka Al-Mukarama halkaas oo ay ku soo guteen waajibaadka Cimrada.

inkasta oo mas’uuliyiintani aanay la hadlin warbaahinta haddana waxa su’aallo layska weydiinayaa booqashadoodii Nayrobi oo la sheegay in ay kulamo la soo qaateen xubno ka tirsan waddamada daneeya Arrimaha Somaliland.

labadan mas’uul ayaa weli ka tirsan golaha fulinta ee xisbul xaakimka Kulmiye, waxana la filayaa in Samaale uu iska dhex sharxo xisbigaasi inkasta oo uu hore u sheegay in aanu kula tartami doonin madaxweyne Siilaanyo xisbiga dhexdiisa.

Source: HCTV

logadagnn