DEG DEG: Mo Farah oo waxba lagu waayay baadhitaan ay ku sameeyeen UK Athletics.

UK Athletics oo ah Ururka ciyaaraha fudud ee Uk ayaa mar dhawayd shaaca ka qaaday in baadhitaankii ay ku sameeyeen Mo Farah iyo tababarihiisa Zalazar ay labadooda waxba ku waayeen .

”Baadhitaankii kowaad isla markaana ugu muhiimsanaa ma muujinayo in uu wax daroogo ah qaatay ” ayaa lagu yidhi warbixinta.

UK Athletics waxa ay sheegeen in warbixinta oo dhamaystiran ay soo saari doonaan bil ka dib marka laga soo dhamaado Ciyaaraha World Championships oo ka dhici doono magaalda Beijing ee wadanka Shiinaha.

Bilihii lasoo dhaafay ayaa la hadal hayay in uu jiri karo in Mo Farah uu daroogo isticmaalo maadama oo tababarihiisa ree Maraykan Alberto Zalazar hore loogu eedeeyay inuu daroogo siiyo ciyaaryahanadiisa.

Mo Farah ayaa laba jeer ka baaqday baadhitaankan,hase yeeshee maanta waxba lagu waayay waxanay tani meesha ka saaraysaa shaki yar oo soo baxayay.

Mo Faarah waxa uu bisha soo socota ka qayb galayaa ciyaaraha World Championships ee Beijing si uu u difaacdo orodka 5000m iyo 10,000m oo uu labadaba isagu hore ugu guuleystay.

logadagnn