Wasiirka Madaxtooyada oo beeniyay Heshiiska Somaliya iyo Hadal dhagaraysan oo Mucaaridku dusha ka saareen Wasiirkii hore ee Arimaha Dibada.

Baryahan danbe waxa la isla dhex marayay warqad la sheegay in laga helay sirdoonka Sucuudiga oo ay baahisay shabakada faafisa siraha caalamka ee Wikileaks.Taas oo lagu sheegay in Somaliland heshiis lagashay Somaliya iyo Puntland si loo sameeyo dawlad fadaraal ah.
Xukuumada Somaliland arintaasi kama jawaabin,hase yeeshee xisbiyada mucaaradka iyo madasha ayaa saaka arintaasi si wayn uga hadlay.Mucaaridku kama ay hadlin warqada iyo waxa ku qoran oo kaliya hase yeeshee waxa kale oo ay sheegeen in xukuumadu heshiiska ay gashay cida saxeexdayna ay tahay wasiirkii hore ee Arimaha dibada JSL Maxamed Cabdulahi Cumar.
Ma jirto meel xukuumadu arintaa ku sheegtay sidoo kale mucaaridkuna ma ay sheegin cid xukuumada ka tirsan oo arintaas ay kasoo xigteen ,kaliya waxay sheegeen in warbaahinta qaar ay qortay.
Hadaba wasiirka madaxtooyada Somaliland mudane Xirsi Cali Xasan oo warbaahinta qaar ay sheegeen in uu isagu Wasiirkii hore eedeeyay ayaa arintaasi mar dhawayd ka hadlay .
Hadalka wasiirka oo qoraal ahina wuxu u dhignaa sidan:
++++++++++++++++++++++++++
“Qaranimada Somaliland waa mid ku dhisan rabitaan umadeed oo aan marnaba ka noqod iyo gorgortan toona lahayn!”
————————–
Warkan oo ah been abuur aan loo meel dayin ayaan kaliya uuga falcelinayaa si aan bulshada uugu iftiimiyo xaqiiqda sidoo kalena dardaaran iyo tilmaam u siiyo cid walba oo war aanay hubin iska baahisa iyo siyaasi walba oo isaga oo aanan xog rasmi ah raadin go’aankiisa ku saleeya wax uu maqlay oo kaliya!
Hadaba, Sida la ogyahay marka aad masuul doonayso inaad hadalkiisa xigato waxaa lagama maarmaan ah in aad soo baahiso muuqaal “Video” uu arintaa kaga hadlayo ama aad kasoo xigato qoraal rasmi ah oo uu baahiyey balse aanay ahayn oo kaliya waa la yidhi!
Waxaan kula dardaarmaya warbaahinta qaarkood in aanay lumin macmiilkooda “Customers” isla markaana marwalba awooda saaraan soo gudbinta wararka xaqiiqda ku salaysan
Waxaan sidoo kale tilmaam siinayaa siyaasiyiinta marwalba ku go’aan qaata war ay maqleen oo kaliya balse aanan xog ururin iyo xaqiiq raadis toona samayn ee markaaba warka ay maqlaan sii baahiya ama cid ku dhaliila waxaan leeyahay xasuusta Xadiiskii Nebigeena Muhamed SCW ee macnahiisu ahaa:
“Qof waxaa been uugu filan inuu sii gudbiyo wax walba oo uu maqlo”
قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: ” كفى بالمرء كذبا أن يحدّث بكل ما سـمع ”
Ugu dambayn waxaan leeyahay Qaranka Somaliland Qosol ku Jab maaha, Qoraal aanan Qorina Qofkii iska Qortay ayuu Qawl xumo ku yahay ee aynu ka korno hadal haynta hebel iyo hawraarta madhan.
Wa Bilaahi Tawfiiq