Golaha Wakiilada oo Is Hortaagay Inay Xukuumadu Wareejiso Haamaha Shiidaalka ee Berbera.

Hargeysa(GNN)-Golaha Wakiilada Somaliland ayaa kulan ay maanta yeesheen la horkeenay Moshin ka dhan ah in la wareejiyey Haamaha shiidaalka Berbera. Xildhibaanada Golaha Wakiilada oo si wayn uga soo horjeestay Shirkado Ajaanabi oo ay xukuumadu sheegtay in lagu wareejinayo, Moshinkan wayaa waxa u Codeeyey 40 xildhibaan inaan la wareejin Haamaha shiidaalka ee Berbera, halka ay 9 xildhibaan u codeeyeen in la wareejiyo. Waxa kale oo ay xildhibaanadu u codeyey in haamaha Shidaalka la hoos geeyo wasaarada Ganacsiga.

logadagnn