SOMALILAND:Isku Shaandhayntii Ugu Weynayd Oo Lagu Sameeyay Garsoorka iyo 16 La Eryay.

Hargeisa(GNN) War Qoraala Oo ka soo baxay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Mudane Xuseen Axmed Caydiid oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay shabakada Gabileynews ,ujeedadiisuna tahay fulinta Go’aan ay soo saareen Guddiga Cadaaladda gggayaa isku shaandhayn balaadhan ku sameeyay Garsoorayaal,ku Xigeeno xeer Ilaaliyeyaal,Kaaliyeyaal,Diiwaangeliyeyaal ka Tirsan Maxkamadaha qaybahooda kala duwan .Waxaa Sidoo kale go’aankan Shaqada lagaga eryay 16 Xubnood oo isugu Jira Garsoorayaal, ku Xigeenada Xeer ilaaliyeyaasha Guud .Isku shaandhayntay oo ah tii ugu balaadhnayd ee lagu sameeyo garsoorka Somaliland ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa dhawaan markii Madaxwayne Axmed Siilaanyo kulan la yeeshay bahda cadaalada Somaliland
Halkan Ka Akhri Magacyada Liisaska.
1

2

3

4

5

a

er

ggg

Xafiiska Warqabadka Hargeisa

Shabakada Caalamiga Ah Gabiley.Net

Editor :-Axmed Osman Almis