Wasiirka Ganacsiga Iyo Maareeyaha Haamaha Kaydka Oo Ka Soo Horjeedsaday Go’aankii Wakiiladda.

Hargeisa(GNN):- Maareeyaha haama keydka shidaalka Berbera Sheekh Saleebaan Siciid Cali, ayaa sheegay inay ku cuslaatay warbixinta guddida ilaalinta hantida qaranku shalay golaha wakiilada hor keentay.

Waxa uu sheegay inaanay guddida siin xog sheegaysa in Haamaha kaydka shidaalka sanadkii laga helo lacag ku dhaw 24 Milyan oo dollar

Maareeyaha Kaydka Shidaalka Berbera

“Markii guddida aanu kulanay waxaan xilka hayay sanad buuxa, markaa warbixintii shalay guddidu golaha hor keentay dee waxaanu anagu u sheegnay iyo hanaan xisaabeed ay anaga naga heleen midna may ahayn. Runtii waxaanu u soo gudbinay odoroska miisaaniyaddayada 2015-ka, markaa shalay golaha wakiiladu waxay sheegeen in kharash dhan 24 Milyan haamaha ka soo baxaan, runtii waa arrin la yaab u leh. Kharashka aanu ku shaqaynaa waa kii goluhu noo ansixiyay 2014, kii sanadkii ka horeeyayna waanu ku shaqaynaa, waxaanay martaa hab xisaabeed adag oo litirkasta oo shidaal ah cashuurta ama adeegga laga qaado maalinleh iyo sanadleh ba xisaab adag bay martaa,” ayuu yidhi Sheekh Saleebaan.

Maareeyaha haamaha kaydka shidaalka Berbera ayaa sheegay in xildhibaannada golaha wakiiladdu warbixin aanay u gudbin ku sheegeen inaanu gudbinay,isagoo sheegay inaanay warbixintaasi aanay gudbin golaha wakiiladda soomaliland,sida ay hore u daabacday warbaahinta Tooshenws.

“ Markaa Warbixin aanan u gudbin ayay xildhibaannadu yidhaahdeen maamulkii haamaha ayaa noo soo gudbiyay, markaa anagu warbixintaas umaanu gudbin, warbixintayaduna way caddahay. Waraaqaha ay naga hayaan, kuwa xafiiskayga yaala iyo kuwa wasaaradda ganacsiga yaala saddexduba way siman yihiin, markaa waxaa wanaagsanayd inay wixii aanu isku ogayn uun sheegaan,” ayuu yidhi Maareeye Saleebaan.

Maareeye Saleebaan ayaa sheegay in wakhtiga ay arrimahan iska waraysteen guddida aanu jirin buuqa hadda ka taagan wareejinta Haamaha

“Waxaan leeyahay warbixintaa golaha laga akhriyay anagu maanu gudbin, muddada aanu anagu kulanayna Buuqan iyo fawdadani may taagnayn oo bishii 5-aad ee sanadkan ayaanu kulanay, markaa xilli la nabad qabo ayaanu kulanay, warbixin fiicana way naga bixiyeen warbixin wanaagsana waanu kala qaadanay, kan maanta ee naloo sibir saaray aad buu noogu cuslaaday” ayuu yidhi Saleebaan.

Dhinaca kalena wasiirka ganacsiga Somaliland Dr Muuse Qaasim ayaa sheegay in heshiiskii ay waddeen oo la kiraynayo,goluhuna u yeedhay oo ay u sheegeen in heshiis la galayo.

Hargeisa Office

Gabileynews