WAR DEG-DEGA:WARIYE MAXAMED ADEN DIRIR OO KOOX SHUFTA AHI GOOR-DHAWEYD AY KU DHAWACEEN HOTEL GULEED EE MAGAALADA HARGEYSA

Hargeisa(GNN):-Wariye Maxamed Aden Dirir oo ka hawlgala Telefishanka Somalicable Xarunta uu ku leeyahay Caasimada Somaliland ee Magalada Hargeysa Ayaa Goor dhaweyd Koox Shufto oo aan la garaneyn Haybtooda oo ku Hubeysnaa Budhadh iyo Bistoolado ay Dhawac Soo Gaadhsiyeen , Wariye oo Xiligaasi ku Sugnaa Hotel Guleed oo ay ka Socotay Xaflada Bandhiga Buuga Faarax Omaar oo uu ka shaqeynayey ayaa Kooxdaasi shuftada aheyd ay ku boobeen Bakoorado iyo Budhadh ,kuwas oo dhawac Culus Soo gaadhsiiyey ,waxaaney Markiiba Dableydaasi Jidheen Ilaaladii Hotelka iyagoo Ku baxsadey Baabuur u Diyaarsanaa , Wariye Maxamed Aden Dirir ayaa Dhaawaciis loo la cararey dhinaca iyo Cisbitaalka hargeysa,
Shabakada Wararka ee Gabiley News oo khadka Telephone ku heshay Wariyeyaal kale oo goobtaasi ku Sugnaa ayaa u Sheegay inay Kooxdan Shuftada ah Markii ay gacanta Saareen Wariye Maxamed Aden Dirir ay ku Tirabayeen Hadalo ay kamid yihiin Maxaa Xirsi Ku dabo dhigay iyo hadalo kale oo ay kamid yihiin haddi aad noolaato,
Dhanka kale Mar Aanu isku Dayney Xaqiijinta Warka In Aanu La Xidhiidhno Dhibanaha arrintani ku dhacday oo ah wariye maxamed aadan Dirir Ayaa Si Kooban u Yidhi Sidan:-“Niman ka Hawalgala Madaxtooyada Ayey ahaayeen Oo Dhawar Jeer Khadka Telefoonka Iiga Soo Hanjabay, Waxaaney Caawa Si Kadis Iigu soo galeen Hotel Guuleed oo Aan Hawal Shaqo U Joogay, Xaaladeyda Caafimaad Waa Sahaala Waxaan Qabaa Laba nabur oo Madaxa Ah.”
Sidoo kale ilaa hada Macada Sababta Wariye Maxamed Aden Dirir lagu Weeraray ,Balse Weerarkan Ku dhacey Wariye Maxamed Aden Dirir ayaa loo aaneynayaa inuu dabo socdo Su’aalo Maalin dhaweyd Wariyuhu uu weydiiyey Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo la sheegay inuu Wasiirku aad u dhibsadey ,

Si kastabta ha ahatee Ciidanka Booliska ayaa Ku dabo jira Baabuurtii ay Shuftadu Wadatey ,waxaana la rajeynayaa in lagu guuleysto Soo qabashadooda Sacadaha soo Socda

Wixii Warar ah ee ka soo Kordha Xaalada Caafimaad ee Wariye Maxamed Aden Dirir oo haddda lagu Daweynayo Cisbitaalka Magalada Hargeysa goor dhow la Soco

Hargeisa Somaliland
Gabiley News Network Office