Wakiilka Somaliland ee Arrimaha Xajka Axmed Aadan (Safiina) oo u waramayey idaacada BBC-da ayaa sheegay in Wiijka dadka laayey uu ku dhacay Danab ka dhashay Roob waaweyn oo ka dayey Maka isla markaana uu ku dhacay mid ka mid Wiishashkii dhisayey Xaramka kaasi oo qur-qurub u googa’ay ka dibna dadkii salaada ku tukaneyey misaajidka uu ku dhacay, waxanau sheegay in ay ku dhinteen 107 qof kuna dhawacmeen 238 qof, Goobta dadku aad ugu dhinteen ayuu ku sheegay in ay tahay Maqaamu ibraahim oo ah meel ay dadku faadhistan marka ay dawaafka dhameystaan.
Axmed Waxa uu sheegay in illaa hada ay og yihiin in qof Somali ahi uu ku dhaawacmay.