Af-gembigii Dhicisoobay Ee Golaha Wakiilada iyo Mudaharaad Salmi Ah Oo Beri La Filayo Innuu Dalka Ka Dhaco

Hargaysa(GNN):-Waxa maalinta beri la filayaa in caasimada Somaliland, ee Hargeysa, iyo guud ahaan gobalada dalka laga sameeyo mudaharaad salmi ah oo lagu taageereeyo go’aankii ay mudanayaasha golaha Wakiiladu codka aqlabiyada ah ku laaleen wareejinta haamaha keydka shidaalka Berbera, oo ay xukuumadda Madaxweyne Axmesd Siilaanyo, si sharciga baal marsan ugu gacan gelineysay shirkaddo ay dano gaar ah ka leedahay.

Mudaharaadkan Salmiga ah oo dhaqdhaqaaqa qabanqaabadiisa si weyn looga dareemayo guud ahaan xaafadaha kala duwan ee caasimada Hargeysa, iyo magaalooyinka waaweyn ee dalka qaarkood, iyada oo ay dadweynuhu ku muujin doonaan sida ay uga xun yihiin ama halka ay ka taagan yoihiin daren ahaan in hantida guud ee shacabka Somaliland, ka dhaxaysa si gaar ah loogu naas nuujiyo cid gaar ah.

Sida ay ay noo sheegeen xubno ka mid ah qabanqaabiyayaasha mudaharaadkan salmiga ah oo ka gaabsaday in ay magacooda sheegaan ayaa noo sheegay in sidoo kale uu daaran yahay sida ay bulshadu uga soo horjeedo waxa ay ku sheegeen afgambigii dhicisoobay ee qaar ka mid ahi mudanaayaasha muxaafidka ahi ka soo tahriibiyeen dhinaca Madaxtooyada, kaas oo ay uga dan lahaayeen inay ku wiiqaan go’aankii uu goluhu hore ugu laalay wereejinta haamaha shidaalka Berbera, hasa yeeshee waxa talaabadda hore u u sii ishaa falateeyay, isla markaana gaashaanka ku dhuftay Guddoomiyaha golaha wakiilada iyo Mudanayaashii codka aqlabiyada ah ku diiday heshiiskii ay xukuumaduu la dhuumanaysay.

Dhinaca kale, qabashada Mudaharaadkan salmiga ah ayaa la sheegay in uu daba socdo baaqyo ay xisbiyada mucaaridka ahi dadweynaha kaga dalbadeen in ay isugu soo baxaan dibad-baxyo salmi ah oo ay ku taageereeyaan go’aanki uu golaha wakiiladu ku laalay wareejinta haamaha keydka shidaalka Berbera, iyo diidmo lagala hor yimaado xaraashka karkaarada jebshay ee qeyrul sharciga ah ee ay xukuumudu Madaxweyne Siilaanyo, ugu jirto wareejinta iyo iibinta hantida guud ee qaranka Somaliland.

Si kadtaba ha ahaatee, ka sokow, qabanqaabada mudaharaadada salmiga ah, lama saadaalin karo sida xaalku noqon doono maalinta beri ah, iyo talaabada ay xukuumadu ka qaadi doonto hakinta dibad-baxyadan.

Gabiley.Net
Gabiley  Office