AKHRISO- Nuxurka Warqada Uu Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu Dib Ugu Celiyay Madaxweyne Siilaanyo, Ee Khilaafka Ka Dhex Abuurtay Shir-guddoonka Wakiilada

Hargeysa(GNN):-Gudoomiyaha golaha wakiilada somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro) ayaa ka jawaabay digreetadii madaxweynaha somaliland ku hor istaagay go,aankii golaha wakiilada somaliland ku hor istaageen wareejinta haamaha shiidaalka magaalada Berbera.

Warqada gudoomiyaha golaha wakiiladu kaga jawaabay diidmada madaxweynaha ayaa khilaaf ka dhex abuurtay shir gudoonka golahaasi, iyada oo ku xigeenadiisu ay ku eedeeyeen inuu taladii golaha kaligii maroorsaday.

Hadaba Halkan ka akhriso waraaqaha uu gudoomiyaha golaha wakiiladu kaga jawaabay diidmadii madaxweynaha ee go,aankii golaha, taas oo nuqul ka mid ah aanu helnay.

warq

warqa

warqad