Ardaygii Kaalinta Shanaad Ka Galay Imtaxaanadii Shahadiga Ahaa ee Dugsiyada Sare Ee Somaliland, Oo Ka Waramay Qorshihiisa Ku Wajahan Sii Wadshada Mustaqbalkiisa Aqooneed.

Gabiley(GNN)-Ardaygii kaalinta Shanaad ka galay imtaxaanadii Shahadiga Ahaa ee fasalada afraad ee dugsiyada sare , oo lagu magacaabo Shabcaan Maxamed Cali Ileeye, kana soo baxay Dugsiga sare ee Imaamu Shaafici, ee ku yaalla magaalo madaxda Gobalka Gabiley, ayaa ka waramay Dareenkiisa ku Wajahan Guushan uu Gaadhay iyo Waxa uu Hiigsanayo Mustaqbalkisa waxbarasho .

Shabcaan Maxamed Cali Ileeye oo u Waramayay Shabakada Wararka Ee Gabileynews Waxa uu Ku Bilaabay Hadalkiisa Sidan.

shabcaan ileeye
”Marka Hore Ilaahay Baa Mahad leh, Mar Labaadka¬† Waxa Mahada Iska Leh Waalidkayga iyo Macalimiintaydii Wax I soo Baray Waxa aan Aad ugu Faraxsanahay Guushan aan Gaadhay, Taas oo aan Ku kasbaday Xaga Allah, iyo dadaalkayga, sidoo kale,Guushaasina waxay Sharaf iyo Farxad u tahay Waalidkayga, Macalimiintayda Dugsiga Imaamu Shaafici, iyo Guud ahaan Magaalo Madaxda Gobalka Gabiley.

Ardaygan Shabcaan Maxamed Cali Ileeye, Mar La Waydiiyay Qorshihiisa ku wajahan Sii wadashada Mustaqbalkiisa Aqooneed, Waxa uu Ku Jawaabay Sidan.

”Ilaahay igu Guuleeyay Riyadaydii Ahayd in aan Noqdo Ardayda Kaalmaha Sare Ka Gasha Imtaaxaanada Shahadiga Ah ee Fasalada Afaraad ee Dugsiga Sare, Hadana Weli May Joogsan Hamigaygii Sii Wadashada Aqoontayda sare ee Heer Jaamacadeed, Isha Allahu waxa ii Qorshaysan in aan Galo Jaamacada Hargaysa Kuliyada Caafimaadka waxaanan Ilaahay Ka Baryayaa, inuu ugu Guuleeyo Hanashada Hiigsigayga Waxbarasho,.” ayuu yidhi Shabcaan Maxamed Cali

Gabiley.Net

Gabiley Office