Badhasaabka Gobalka Sool Oo Ka Warbixiyay Maxaabiis Ka Baxsatay Jeelka Magaalada Laascaanood

Hargeysa(GNN) Badhasaabka Gobalka Sool Yaasiin Maxamed Shide ayaa ka war bixiyey maxaabiis la sheegay inay ka baxsadeen jeelka magaalada Laascaanood.

Badhasaabka gobolka Sool oo maanta warbaahinta ugu waramay magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay inaan maxaabiistaasi ku baxsan weerar lagu soo qaaday, balse ay ilaalada jeelku u fudaydiyeen inay baxsadaan waxaanu yidhi “Sidaad ka warhaysaan xalay Laascaanood Jeelkeedii waxa ka baxsaday Maxaabiis, Waxaan halka ka cadaynayaa Ma jirto jabhad Hubaysan oo jeelka weerartay laakiin waxan filayaa in ay anaga dhexdayada uun ay tahay waana mid ciidanka asluubta dhexdooda uun ka timi ee ma jiro jeel la jabiyay”ayuu Yidhi Badhasaab Yaasin Maxamed

Badhasaabka gobolka Sool oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Way jirtay in dhawr jeer oo hore la isku dayay in jeelka la weeraro lugumana guulaysan arinkaas tan xalay dhacdayna lama mid aha kuwii hore, tan xalay dhacday waxa ay ahayd arin ka timi Dhexdayda ama ciidkanka jeelka ilaaliya.”

Sidoo kale waxa uu ka war bixiyey tirada maxaabiista ka baxsatay jeelka waxaanu yidhi “Lix iyo toban maxbuus ayaa jeelka ka baxsaday hal maxbusna wuu dhintay falkan jeelka ka dhacay waxa ka dambeeyay ninkii arastaynka jeelka ahaa ee xalay furayaasha hayay iyo dhawr askari oo la socday oo ilaa hada maqan .

Badhasaab Yaasiin Oo Hadalkiisa sii wata waxa uu Yidhi “Waxaan Markale ku celinayaa Ma jiraan Ciidan ama Dad Hubaysan oo jeelka kaga imaaday dibada .
Gabileynewsnetwork
Gabiley Office