Bashasaabka Awdal Oo Shaqo Joojin Ku Sameeyey Isuduwihii Wasaarada Ciyaaraha Kana War Bixiyey Shirkii Diridhaba

Boorama(GNN):-Badhasaabka gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa ku dhawaaqay inuu shaqo joojin ku sameeyey isuduwihii wasaarada ciyaaraha ee gobolka Awdal.

Badhasaabka gobolka Awdal oo maanta shir jaraa,id ku qabtay xarunta gobolkaasi ee Boorama ayaa waxa kale oo uu faah faahin ka bixiyey shirkii uu kaga qayb galay magaalada Diridhaba ee ay heshiiska ku kala saxeexdeen dawladaha somaliland iyo Ethiopia.

Ugu horayn badhasaab Ramaax oo ka hadlaya shirkaasi ayaa waxa uu yidhi
“Hawl toos noo khusaysa ayey ahayd shirkaasna waanu ka qayb galnay, waxyaabihii aanu wadanayna wax badan ayaa noo hir galay taas ah in meel looga soo wada jeedo xoojinta nabad galyada labada dalna iska kaashadaan gaar ahaan kilalka shanaad iyada oo dawlada fadaraalka Ethiopia-na nagala soo qayb gashay shirka, kilalka shanaad oo aynu leenahay xuduud dheer oo ay dad walaalo nahayna dagan yihiin guul ayaanu kala kulanay shirkaas waxaanan filayaa inaynu wax badanka faa,iidi doonaan.”

Badhasaabka gobolka Awdal oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday inuu shaqo joojin ku sameeyey isuduwihii wasaarada ciyaaraha ee gobolka Awdal kaas oo uu ku eedeeyey inuu ku kacay talaabooyinka hor imanaya maamulka waxaanu yidhi “Dadweynaha reer Awdal, maamulka heer gobol iyo degmo waa inaan u diyaar garawno ciyaarihii inay wakhtigii loo qoondeeyey ku qabsoomaan, guddidii aan magacaabay sideedii ayey u jirtaa, waxa kaliya ee aan cadaynayaa inaan shaqo joojin ku sameeyey isuduwihii wasaarada ciyaaraha ee gobolka kaas oo ku kacay talaabo aan waafaqsanayn maamulka, isaga oo daadifeeyey guddidii aanu magacawnay isla markaana wax xidhiidh ahna nagala soo samayn, wasaarad ahaana wa hawl qaran oo intaas oo meelood ayaa la casuumayaa anaga oo ku shaqaynayna siyaasadii waxaan saacadaas laga bilaabo shaqo joojin ku sameeyey isuduwihii hawshuna sideedii ayey u soconaysaa.” Ayuu yidhi badhasaabka gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax.

 

 

Gabiley.Net

Gabiley Office