Beesha Warsangali Ee Caasimada Hargeysa Oo Munaasibad Qado Sharaf ah Ku Maamuusey Suldaanka Guud Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan

Hargeysa(GNN)-Beesha Warsangali ee kusugan Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa munaasibad, qado sharaf ah oo si heersare ah loo soo agaasimay, ku maamuusey Suldaanka Guud ee Beelaha Warsangali Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Garaad Cali Shire oo indhawaale ku sugnaa Magaalada Hargeysa.
suldaanka45

Munaasibadan qado sharafta ah ee beeshu ku maamuustey, Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan,oo lagu qabtey huteelka Green-Plaza ee Cidhifka Galbeed ee Magaalada Hargeysa,ayaa axa kasoo qeyb galey Masuulyiinta iyo Siyaasiyiinta Beesha Warsangali ee ku sugan Hargeysa, Xildhibaano,Qurbajoog iyo Qeybaha kale ee Bulshada iyo Waliba Xubnaha Cuqaasha iyo Duqeyda ee qeybta ka ah Waftiga Suldaanku Hogaaminayo,Waxaana Munaasibadan hormuud u ahaa Eng.Maxamuud Daahir oo kamid ah aqoonyahanka Warsangali ee kusugan Caasimada.

Suldaanka25
Suldaan Suldaan Cabdisalaan Suldaanka Guud Ee Warsangali oo Qado Sharafta lagu Maamuusey kadib hadal kooban oo duco iyo Mahad celin ah ka jeediyay Madasha ayaa, sigaar ah ugu mahad celiyay Siyaasiyiinta,Masuuliyiinta,Aqoonyahanka iyo Waxgaradka Beesha Warsangali ee Caasimada Hargeysa ku sugan isagoo Suldaanku hoosta ka xariiqey in aaney Soo dhaweynta iyo Casuumadaha lagu maamuuso marka uu Hargeysa yimaado aaney aheyn kuwa ku kooban Beeshiisa oo kaliya balse ay yihiin kuwa uu kala kumo Bulshada,Madaxda,Madaxda Dhaqanka,iyo Shacbiga Reer Somaliland oo dhan taas, oo uu ku tilmaamay in ay tahey mid uu ilaahay uga mahad celinayo sida qiimaha,qadarinta iyo Sharafka leh ee mar walba loogu maamuuso Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Suldaanka11

Ma aha markii u horeysay, ee martiqaad Maamuus ah lagu sooryeeyo Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan haseyeeshee, martiqaadyada iyo Maamuuska loo fidinayo ayaa ah markasta oo uu Hargeysa Yimaado kuwa isku daba taxan taas, oo uu Suldaanku ku muteystey Hay,bada iyo Sharafka uu ka mudan yahay Shacbiga Reer Somaliland mudantooda, waxaana maalmahan soo socda lagu wadaa in uu martiqaadyo door ah kala kulmi doono Xukuumada,Dhinacyada Siyaasada, Madaxdhaqameedka iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Gabiley.Net

Gabiley Office