Daawo Ma Xildhibaan Baa Mise Waa Mooshin Quute: Warbixin Ka Hadlaysa Mawqifka Xidhibaanada Wakiilada Ee Wareejinta Haamaha Shidaalka + Video

Hargeysa(GNN) Burburinta xukuumadda ee hay’addii sharci dejinta ayaa waxay mareysaa halkii ugu sareysay abid taariikhda jamhuuriyadda Somaliland, kadib markii aqlabiyadii xildhibaanadii goluhu noqdeen qaar laga masruufo qasriga madaxtooyadda.

Waxa meesha ka baxay sharaftii iyo haybadii uu huwanaa xildhibaanka golaha wakiiladu, iyada oo xukuumadu gayeysiisay in go’aankii uu shalay u coddeeyey uu haddana maalmo kadib dib uga coddeeyo.

Haddaba, waxa aanu daawadayaasha halkan hoose ugu soo gudbineynaa barnaamij dadweynuhu ku qiimayn doonaan xildhidibaanada golaha wakiiladda ee mawqifkoodu guurguuro, kuwaas oo telefishanka STAR TV innoogu soo bandhigay xildhidibaanadii horay uga coddeeyey wareejinta Haamaha shidaalka, sawiradooda iyo magacyadooda. Waana kan barnaamijkaasi ee daawasho haboon:

Gabiley.Net
Gabiley Office