DAAWO MUUQAALKA- 717 Xujaaj Ah Oo Ku Dhintay Xajka, Dhaawaca Oo Tiro Beelay, Iyo Tirada Dhimashada Oo Kor U Socota

Wakaaladaha Wararka-(GNN)- Wararka u danbeya ka imanaya dalka Boqortooyada Saudi Arabia, ayaa sheegaya in tirada dhimashada dadka Xujaajta ah ee ku dhintay xajku ay kor u sii kacaysa saacadba saacada ka danbaysa, waxaanay wararka hada soo dhacayaa ay sheegeen in 717 Xujaaj ahi ay ka dhinteen isjiidhkii xujaajta ee ka dhacay wadooyin ka mid ah biriishyada ay xujaajtu u maraan dhagax tuurka buurta MINA, waxaana lagu soo waramayaa in dadka dhintay ay u badan yihiin dad waayeel ah oo u badan Afrikaan, iyada oo dadkii Xujaajta ahaa ee ku dhaawacmay shilkan loola cararay cusbitaalada oo hada lagu dawaynayo,waxaanu shilkani dhacay subixii hore ee saaka.

Xafiiska War qabadka ee Shabakadda caalamiga ah ee Gabileynews, oo la xidhiidhay xujaaj Soomaali ah oo ka ag dhawayd goobta shilkani ka dhacay oo aanu wax ka weydiinay ogaalkooda in ay jiraan iyo in kale xujaaj Soomaali oo ku waxyeeloobay shilkan, ayaa noo sheegay in illaa iyo hada aanay jirin wax war ah oo rasmi ah oo xaqiijinaya Soomaali Xujaaj ah oo ku dhintay ama ku dhaawacmay shilkan, balse, waxa ay noo sheegeen in ay jiraan Xujaaj Soomaali ah oo aan weli ku soo noqon taandhooyinkoodii oo weli la la’ yahay.

Maaha markii u horaysay ee uu Xajka ka dhaco shil sababa khasaare nafeed oo dhimasho iyo dhaawacba keena, balse 25-kii sanno ee u danbeeyay waxa xajka ka dhacayay shilal kala duwan oo khasaare nafeed dhaliyay, iyada oo shilkii u danbeeyay ee kan ka horeeyay uu ka dhacay xajka dhowr iyo toban cishio ka hor, kaas oo ay ku nafwaayeen 107 qof oo xujaaj ah, in ka badan 240 kalena ay ku dhaawacmeen