Danjiraha Somaliland U Fadhiya Dalka Australia Oo Ka Qayb Galay Shirka Caalamiga Ah Ee Africa Down-Under + SAWIRRO.

Melbourne(GNN)-Waxa shalay si habsami leh u furmay shirweynihii caalamiga ahaa ee loo yaqaaney Africa DownUnder Mining Conference 2015. Shirweynahan oo ka furmay magaalada Perth City ee ku taal galbeedka dalweynaha Australia. Hadaba Safiirka Somaliland ee dalka Australia mudane Mohamed Ismail Hussein “Balishire” ayaa casuumad rasmi ah ka helay Mr Bill Repard oo ah madaxa haayada PayDirt Media Australia PL, oo ah haayada qabanqaabisay shirweynahan caalamiga ah.

Waxa hadaba shirkan maanta furay madaxa guud ee dawlad goboleedka Western Australia mudane Collin Barnett, isagoo halkaas ku soo dhaweeyey madax gaadhaysa ugu yaraan shan iyo labaatan wasiir oo African ah, in ka badan 2500 oo ergooyin ah ama loo yaqaano Delegates oo ka soo qayb galayaal ah. Waxa iyaguna goobta ku sugnaa 165 shirkadood oo ah kuwa macdanta ka baadha aduunka, gaar ahaan qaarada Africa. Waxa kale oo goobta ku sugnaa 28 Wasiir oo ka soo jeeda qaarada Africa oo uu ugu horeeyo wasiirka macdanta iyo khayraadka ee dalka Gaana. The Hon. Nii Osah Mills…The Hon. Minister for Mineral Resources. Republic of Ghana.

Waxa kale oo xusid mudan oo isaguna goobta ku sugnaa, oo aanu wada hadal dheer yeelanay, xoghayaha guud ee suuqa dhaqaaalaha iyo maalgaashiga Koonfurta iyo bariga Africa. Mudane Sindiso Ngwenya, The Secretary General of the Common Market for Eastern and Southern Africa, oo ii xaqiijiyey in uu dhawaan isaga iyo wefti uu hogaaminaayo ay dhawaan booqasho ku iman doonan Jamhuuriyada Somaliland.

2Hadaba waxa xusid mudan in mar hore shirkan si rasmi ah loogu soo casuumay sanadkii 2013, wasiirka macdanta iyo khayraadka ee Jamhuuriyada Somaliland. mudane Xuseen Cabdi Ducaale. The right honorable Hussein Abdi Duale, The Minister of Energy and Mineral resources of the Republic of Somaliland. Isagoo halkaas ka jeediyey khudbad dhaxal gal ah oo soo jiidatay indhaha shirkadaha goobta ku sugnaa. Waxaanad khudbadaas oo dhamays tirana aad ka daalacan kartaan www.somalilandfoundation.com

Waxa kale oo runtii wax lagu farxo ah in shirka lagu xusay wadamo dhawr ah oo ay Somaliland ku jirto oo u baahan in ay helaan shirkado soo booqda dalalkooda, si ay indhahooga ugu soo arkaan khayraadka kala duwan ee dhulkaas yaala. Waxaana halkaas casuumad mar labaad loogu fidiyey wasiirka macdanta ee Jamhuuriyada Somaliland in u sanadka danbe ka soo qayb galo shirkan, waxaana la filayaa in wasiirka macdanta ee Jamhuuriyda Somaliland uu ka soo qayb geli doono shirka sanadka danbe, isagoo qudbad kale oo dhaxal gal ah mar labaad shirka ka jeedin doonaa sanadka 2016. Hadii Alle idm4o.

 

 

Waxa dhanka kale iyaguna goobta ku sugnaa safiirada dawlada Australia u fadhiya qaarada Africa gaar ahaan wadamada kala ah sida Kenya, Ethiopia, Nigeria, Ghana and Nigeria, wakiiladaas oo ay kulamo wada qaateen Ambassador Balishire oo warbixin dhankasta taabanaysa oo ku saabsan Somaliland ay wada yeesheen safiiradaas.

3

Waxa iyaguna markii ugu horeysay sanadkan shirkan weyn ee caalamiga ah ka soo qayb galay wasiiro ka socday dalalka kala ah Ethiopia oo uu hogaaminaayey wasiirka macdanta ee dalka Ethiopia mudane, The Hon. Alemu Sime… State minister of Mines, Federal Republic of Ethiopia. Iyo wasiirka macdanta iyo khayraadka dabiiciga ah ee dalka Suudaan. Mudane, The Hon. Osheak Mohammed Ahmed Tahir… State minister of Minerals. Republic of Sudan. Hon. Manuel Francisco Queiroz. The Minister of Mining, Republic of Angola.
Hon. Aly Ngouille Nadiaye, Minister for Industry & Mines. Republic of Senegal.

Hadaba siday doontaba ha ahaate, waxa maalinta Jimcaha ah iyaduna shirka qudbad dheer ka hor jeedin doonta , wasiirka arimaha dibada ee dalkan Australia, marwo Julie Bishop oo halkaas ku soo af meeri doonta shirkan caalamiga ah maalinta Jimcaha ah.

5

 

 

“The previous visit and the magnificent presence of Somaliland’s minister of Energy and Minerals. The Right Hon. Hussein Abdi Dualleh in Africa Down-Under Conference 2013, Perth, Western Australia. Has been hugely felt and wholeheartedly received and enormously admired by the participating delegations of ministers, mining executives and other respectable international delegates and sponsors. Who have subsequently admired and therefore expressed their heartfelt and utmost admiration to the significance and magnificent presence of this elite, prominent, dedicated and above all truly gifted Somaliland heavyweight minister. Who is therefore determined and willing to break all bearers and any other obstacles that has consistently prevented Somaliland to progress to the next level of becoming a prosperous nation in the New Africa of opportunities.

61

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

ALLAA MAHAD LEH

Mohamed Ismail Hussein “Balishire”
Wakiilka Guud ee Somaliland ee dalka Australia.
Email: info@somalilandfoundation.com