Deeqaha Shillis Ee Dawlada Turkigu Bixiso Iyo Qatanaanta Reer Somalland! Qalinkii Maxamuud Ducaale Saleebaan( Maxamuud-Tallaabo) Q: 1aad

Waagii kuu beryaaba waayo leh, waa murti soomaaliyeed oo kuu tilmaamaysa inaad la socoto is bed bedelka xiliga iyo jirtada waayahu soo kordhiyay, si aad ugu wax qaybsato oo aanad u noqon warmooge, hadaba innagoo odhaahdaas ka duulayna waxaynu qalinka iyo waraaqda isugu qaadanay, inaaynu isku baraarujino waxyaalo aynu wada ognahay, waa halkii ninku ka yidhiy hebelow, waxaad ogtahay ma kuu sheegaa, sida awgeed bal aynu isku dayno in aan isu sheegno waxaynu wadda ognahay, oo ah dalka Tukriga iyo waxa inagu seegan.

Muqaalka guud ee hadal qoraalkeenna Waxaynu halka ku soo bandhigu doonnaa haddii illahay inoo ogolaado qoraal taxane ah oo aynu kaga hadlayno deeqaha aadka u xooggan ee dawlada Tukrigu ku bixiso magaca soomaali, iyo sida reer Somaliland uga ooman yihiin, hadaba maqaaladan oo sidaynu sheegnay dhawr jeer oo kala dambeeya anyu arki doonnaa waxay ku bilaabmayaan, astaynta iyo tilmaanta guud ee dalka iyo dawlada Tukriga ee hadda iyo horayba, waxay ina xasusinayaan xidhiidhkii uu dalka Tukrigu la lahaan jiray soomaalida, gaar ahaan Somaliland iyo kadinkii uu ka soo galay, wuxuu kaloo qoraalkani farta ku fiiqi donnaa deeqaha wax ku oolka ah ee uu iminka Tukrigu siiyo Waddanka Soomaaliya iyo siday Somaliland uga qatan tahay taageeradaasi, waxaynu ku eegi doonnaa sida uu hadda yahay xidhiidhka labadaas dal ee Tukriga iyo Soomaaliya, iyo weliba dhinaca uu Tacaamulkaasi hadda u si siqaayo, waxaanay qoraaladeenani ku gebgeboobi doonaa Somaliland iyo waxa halkaa uga furan.

Sidaa awgeed waxaan kugu casuumayaa inaad qoraalkan iilla wadaagto si joogto ah Tilmaanta dalka Tukriga ee iminka Waa dal Muslim ah oo ku yalla Yurubta bari, wuxuu xad la waddaagaa dalal badan oo Yurub iyo Aasiya labadaba leh, waxa labada dhinac ee bariga iyo galbeedka kaga xeeran badaha kala ah, Badda badow ”Black Sea” iyo Badda kale ee Mediterranean-ka , magaalo madaxda dalkasi waa ANKARA, qiyaasta tirada dadka dalku waa 75,837,020. Nidaamkiisa siyaasadeed waa habka xisbiyada badan,” separation of power” hogaamiyuhu waa raysal wasaare baarlamaani ah, “Parliamentary” dhaqaale ahaan wuxuu ka mid yahay labaatanka dal ee laysku yidhaaho G20, cududdiisa ciidan waa dalka labaad dhinaca ciidamada lugta ee wadadama NATO, gadh wadeenka dalka ee hadda waa Mudane: Recep Tayyip Erdogan, oo ka soo jeeddaxisbiga AKP, waa xeel dheerre sare oo Maamulka gacansiga ah” Business administration) waa hogaamiye ay mahadiyee dadka iyo dalkiisuba, wax wayna ka bedelay siyaasadii dalkaasi ee guddo iyo debedba, horseeday is bedel dhaqan dhaqalaha oo macna leh, waxaanu aad udhisay cududda ciidan ee wadankiisa. inimka waxaa siyaadda dalkaasi aad indhaha ugu haysaa dhankaa iyo qaaradda Afrika, sida dunida inteeda kaleba,
La soco, qayb kale.