Dugsiga Sare ee ILEYS oo u dabaal degay Guushii imtaxaanaadka Shahaadiga ah 2015
Dugsiga sare ee Ileys oo ka mid ah hormuudka dugsiyada Somaliland, laguna bartay inuu kaalmaha sarsare ka galo imtixaanaadka shahaadiga ah ayaa u qabtay xaflad ay ku maamuusayaan ardayaddii labada kaalmood u soo hoysay guusha sannadka Deeqa Xaaji Aadan Axmed Diiriye ,
Dugsigu Tobanka ugu horreeya wuxuu ka galay kaalinta sagaalaad, halka dhanka hablahana uu kaalinta saddexaad ka galay Somaliland oo dhan,
Sheekh C/raxmaan Axmed oo kamid ah Maamulaha dugsiyada Ileys ayaa ka hadlay marxaladaha uu soo maray dugsiyada Ileys waxaanu yidhi “Dugsigan oo la aasaasay 2003 ayaa wuxuu ku suntanaa inuu kaalmaha ugu horreeya ka galo waddanka, waxaa ka baxay 13 dufcadood oo is daba joog ah, dufcadani waa tii 13aad, dufcadii u horraysa ayaanu dugsiga la galin imtixaanka wasaaradda, Laga soo bilaabo 2003/2004 ilaa 2014/2015 waa labiyo toban sannadood
Sannadkii koowaad 2003/2004 Hal arday ayaa tobanka hore soo galay
2004/2005 Waxba kumaan lahayn
2005/2006 Hal arday baan ku lahayn
2006/2007 Hal arday baan ku lahayn
2007/2008 Hal arday baan ku lahayn
2008/2009 5 arday baan ku lahayn
2009/2010 4 arday baan ku lahayn
2010/2011 8 arday baa soo galay oo Hablo u badnaa
2011/2012 3 arday baa soo galay
2012/2013 2 arday baa soo galay
2013/2014 waanu ka maqnayn
2014/2015 oo sannadkan ahna laba kaalmood baan ku leenahay
Runtii waa sooyaal aad u qurux badan oo aan runtii jecelnahay inaanu baahino, ujeedayaduna maaha inaan anagun(Ileys) arday koowaad uun ka dhex muuqano, laakiin muhiimadu waxay tahay –siday aqoontuna tahay- inay ardaydu is raacdo oo ay kaalmaha hore A iyo B da galaan
Tusaale ahaan sannadka oo kaliya markaan eego waxaa u fadhiistay imtixaanka 226 Arday, 128 arday ayaa Darajada A ku gudbay, oo u dhigantay 57% inta soo hadhayna darajada B bay ku baaseen 3 arday oo kaliya ayaana C haysta”))