Guddoomiyaha Dallada Naafada Qaranka ee (SNDF) oo Xukuumddda Somaliland uga Mahadcelisay Ansixinta Siyaasadda Naafadda Qaranka.

Hargeisa-(GNN)-Guddoomiyada Dalladda Naaafada Qaranka Somaaliland Marwo Nuura Maxamuud Nuur, ayaa uga mahad celisay xukuumadda Somaliland Ansixinta siyaasada horumaranta Naafada Qaranka, oo maalintii Khamiistii oo ay taariikhdu ku beegnayd 17-09-2015-ka lagu ansixiyay shirkii golaha Wasiirada Somaliland.

Siyaasada horumarinta naafada Qaranka, ayaa waxaa iska kaashaday islamarkaana dabada ka riixayay Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda, Hay’adda Handicap International iyo Dallada ay ku Bahoobeen Urudada naafada iyo kuwa la shaqeeya ee magaceeda loo soo gaabiyo SNDF. Marwo Nuura Maxaamud Nuur, oo ah Guddoomiyaha Dalladda naaafada Qaranka, ayaa waxay sheegtay in Qorida iyo ka shaqaynta siyaasadda naafada Qaranka la bilaabaay sannadkii 2007-kii iyad a oo uu soo maray marxaladdo baddan. Guddoomiye Nuura waxay si gaar ah ugu mahadnaqday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soamliland Mudane Axmed maxamed maxamuud (Silaanyo) iyada oo uga mahadnaqday ansixintan iyo waliba wareegtadii uu madaxwaynuhu soo saaray sannadkii 2014-kii, taas oo amraysay in dhismayaasha dawladda dhamman loo sameeyo meelo ay ka gali karaan dadka naafada ahi.

Sidoo kale guddoomiyuhu waxay u mahad naqday Wasaarada shaqada iyo Arrimha Bulshada iyo wasaaradda Madaxtooyada Somaliland oo ansixinta siyaasadda Naafadda Qaranka Door laxaad leh ka qaatay. waxaana la filayaa in Siyaasadan horumarinta naafada qaranka dhawaan la hor geeyo golaha Wakiilada Somaliland si loo meel mariyo. Ugu danbayntii, Guddoomiyuhu waxay ka codsatay Baarlamaanka Soomaalilaand inay meel mariyaan ansixinta siyaasdaa Naafada Qaranka taas oo door muhiima ka ciyaari doonta ka qaybgalka dadka naafada ah ee horumarka dalka iyo ka mid ahaanshaha bulshada inteeda kale ee dadka naafada ah, waxaanay Guddoomiyuhu u mahadnaqday wuxuu u mahad y xukuumada Somaliland, Golaha wasiiradda iyo dhamman cid kastoo gacan ka gaysatay soo diyaarintii, lafa guridii iyo ansixinta siyaasada naafada Qaranka.

 

Gabiley.Net

Gabiley Office