Hadalheynta Hirdanka Kulmiye Dhexdiisa iyo Arimaha Ugu Waaweyn Ee Ay Kala Aaminsan Yihiin Siyaasiyiinta Ku Loolamaya

Hargeysa(GNN)-Siyaasiyiin badan oo katirsan Xisbi Xaakimka Kulmiye, ayaa damac weyni ku abuurmey tan iyo intii ay dabayaaqada ku dhawaatey Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo, ee sanadkii 2010kii ku guuleysatey tartanka Doorashooyinka Madaxtooyada Somaliland 26kii juun codbixintii dadweynuhu u dareereen iyadoo si rasmi xilka ugala wareegtey Xukuumadii ka horeysay 27kii julay ee isla Sanadkaasi.

SilanyoBiixi11

Hadalheynta maalmihii u dambeeyay guud ahaanba dadka la socda Siyaasada Somaliland ku faaqidayeen xiisada u dhexeysa Siyaasiyiinta ku loolamaya xiligan Gudaha Xisbi Xaakimka Kulmiye, ayaa sii xoogeysatey kadib markii taageerayaasha Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ay indhawaale ku damaashaadeen in Murashaxnimada Xisbiga looga reebayo Xubnaha kale ee damacu kaga jiro Gudoomiyaha islamarkaana, ay isaga Madaxweyne Siilaanyo isla meel dhigeen qodobo adag, oo ila xidh u ah in aan Murashaxa Jagada Madaxweyne Xisbiga Kulmiye uu Madaxweynaha iyo Xukuumadiisu barbar istaagi doonaan Mujaahid Muuse Biixi,waxaanay hadaladan Guul sheegashada ah ee ay faafiyeen taageerayaasha Muuse Biixi shaki iyo dareen badan iyo dhaqdhaqaaq culus galiyeen Ragga ay mudada badan kusoo hirdamyeen damaca Murashaxnimada Jagada Madaxweyne Mustaqbalka Madaxweyne Siilaanyo dabadii, kuwaas oo ay kamid yihiin Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale, Wasiirka Arimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis, iyo Wasiirka Madaxtooyada oo isaguna indhawaale damaciisa la af baxey.

Inkastoo, ay dad badani rumeysteen isu soo dhawaanshaha Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweyne Siilaanyo kadib markii Hogaanka Kulmiye iyo Madaxweyne Kuxigeenku kulankii lagu shaacinayay Mudada la qabanayo Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga ku qabteen Gudaha Qasriga Madaxtooyada, hadana waxa dareenkaasi is badelay in Taageerayaasha Muuse Biixi iyo Kuwa Maxamed Biixi Yoonis ku kulmeen habeen hore ka hor safarkii Madaxweynaha gudaha Xarunta Madaxtooyada iyadoo, dadka xogogaalka u ahi sheegayaan in balanka kulanka Madaxweyne Siilaanyo ay kali ku ahaayeen raga la socdey Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis haseyeeshee, sababta Kooxda taageersan Gudoomiyaha Kulmiye geysay Madaxtooyadu ahaa dareen ay kaga hal celinayeen in wax iska badeleen jawigii Maalmahan u dhexeeyay Muuse iyo Madaxweyne Siilaanyo, hadaba marka la isku soo celceliyo dhaqdhaqaaqyada noocan ah waxey dad badani aaminsan yihiin in aaney wali bisleyn,qorshaha ku sahabsan qaabka loo waajahayo loolanka Murashaxnimada jagada Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye in la marin doono sifaha sharci ee uu qeexayo xeer xoosaadka Xisbigaasi iyo awood Xukuumadeed wax lagaga badelayo, taas oo ilaa hada u muuqata gacan uur kujirta oo aan la dhayal san karin in si fudud xaqiiqdeeda lagu ogaado balse, waxa iyaduna barbar socota in aan la yareysan karin dareenka ay Siyaasiyiinta kale kaga jawaab celinayaan in sidii Axmed Siilaanyo Shirkii Golaha Dhexe ee Kulmiye sanadkii 2008dii ee ku qabsoomay Burco Murashax kaliya xubnaha Golaha Dhexe u gacan taagaan iyadoo lagu lamaanaynayo wakhtigan Awooda Xukuumadeed ee Xiligan Xisbiga Kulmiye haysto.

Sikasta oo ay tahey, waxa dad badan oo khaas ku ah taageerada Xisbiga Kulmiye aaminsan yihiin in Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi tacab badan usoo galey Xisbiga Kulmiye islamarkaana, mudo badan ka joogay Xukuumadii lagu guuleystey dibadda isaga iyo saaxiibadiisa Hogaanka Kulmiye intooda badani sidaa daraadeedna uu waajibku yahay in la mariyo sunihii Madaxweyne Siilaanyo usoo marey Murashaxa jagada Madaxweyne,halka ay taageerayaal badan iyo aqoonyahanka iyaguna sida aadka u ah odorosa Siyaasada Somaliland kusoo celceliyaan in ay adag tahay in si dhayal ah lagu dhaafi karo Xubnaha Siyaasiyiinta ah ee iyaguna doorka Weyn ku lahaa Xisbiga Kulmiye, iyo Xukuumadaba kuwaas oo ay safka hore kaga jiraan Wasiirkii Hore ee Maaliyada Cabdicasiis Samaale, Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wasiirka Arimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis oo isaguna ku cusub Siyaasada Kulmiye oo dhamaantood si adag uga soo horjeeda in Mujaahid Muuse Biixi Cabdi loo dabaaba xidho Murashaxnimada Xisbiga Kulmiye dhexdiisa iyadoo, aan la galin loolan gacan taag ah oo ka dhaca Golaha Dhexe ee Xisbiga, inkastoo maalmahan lagu lamaaneynayay Gudoomiye Muuse Biixi in ay xulafo ku noqdeen Kulmiye dhexdiisa Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici,oo ay kala aragti duwanaayeen Xiligii Shirweynaha Sadexaad,waxa kale oo Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi la safan dhinaca Xukuumada Wasiirka Duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi halka qolyaha kale, uu la socdo Gudoomiyaha Golaha Guurtida iyo Xubno hada aan Golaha Xukuumada iska muujinin Lasoco Qeybaha Dambe………
Gabiley.net
Gabiley Office