Jaaliyada Somaliland Ee Birmingham Ayaa War Dhiilo Leh Kasoo Saaray Mishiino Kelyaha Sifeeya Oo Ay U Direen Dhakhtarka Burco.

Jaaliyada Somaliland Ee Birmingham dalka UK ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen Waxa ay uga digeen laba Xubnod oo doonaya inay laba mishin oo kuwa kalyaha sifeeya dhakhtarka Burco leyahay inay dhakhtar privat ah Hargeysa u wareejiyan.

Warsaxaafadeedkan oo soo saaren xubnihi jaaliyada Birmingham hawsha labada mishin gacanta ku hayey ayaa uu u qornaa Sida tan:-

Warsaxaafadeed

Ujeedo:- Cambaareyn iyo dignin

Jaaliyada Birmingham Uk Waxaan Si aad & aad u Cabaareyneynaa Labada xubnood kala ah Cali Dhamac Birmingham ka tagay oo ah ninka u waakilanay inu labada mishin gadhsiiyo dhakhtarka Burco oo iyada oo anay jaaliayada Birmingham ogayn intu la soo xidhiidhay shakhsi in labadi mishin kalyaha loogu diray shirkada DHL .waxaa taas ka daran in halka Burco iyo guddidi horumarinta Togdheer lagu qori lahaa. lagu qoray nin lagu magaacabo dr Ahmed Nahad oo dhakhtar ku leh Hargeysa .

Shakhsiga labaad ayaa ah Isuduwaha wasarada Caafimadka Togdheer Cabdi Yassin Suleman oo xubna ka mida jaaliyada iyo Dr Muse Baxeer oo isna ku sugan Birmingham la soo xidhiidhen in labada mishin ay leyihin dhakhtarka Burco lana wareego balse cabdi yassin yidhi Burco uma bahna mishiinada iyo hadalo shaki geiyay xubnihi la soo hadlay.

Hadaba labada Mishin oo midkiba lacagta la soo siyay tahay 80 000. Sideetan kun dolar marka labadooda qiimaha laysku daro yahay 160.000 Dolar waxaa lacagta iska kashaday jaaliayada Somaliland Birmingham iyo nin pakistaaniya oo bixiyay lacagta inti dhiinayd .waaxaa lagu soo ururiyay lacagta urur magacisa la yidhaahdo Somali disability and elder oo gudoomiye ka yahay muwaadin Reer Burco magaacisa la yidhaahdo Axmed Libaan.waana urur charity .

Waxaan codsnayna in labada mishin oo lacagta loogu ururiyay in dhakhtarkama Burco la geeyo kana qayb qaten jaaliyada Birmingham in halki lagu tala galay la geeyo.hadi la leyahay ninkaas iyo dhakhtarka leh ayaa laga ibinaya in lacagta 160.000 dolar lagu wareejiyo guddida Horumarinta Burco Maxamud adan dheeri iyo Maxamed Xusen Adan si dhakhtarka Burco dawooyin iyo waaxu u bahan yahay loogu siiyo.

Mar labaad waanu ka digayna in alabta meel kale la geeyo.waanu canbarayna in labada mishin si privat ah loo isticmaalo . waanu ka digayna in labada mishin cid lagula shurakoobo.

Alaabtas oo hada anu ka egnay DHL ayaa waxay tala Xaafiska DHL hargeysa waaxanu codsanayna in Burco la keno

Alla Mahadleh

Guddida labada Mishin Kalyaha

Birmingham Uk