Jaamac Shabeel Oo Golaha Dhexe Ee Kulmiye Baaq Fariin Ah U Diray

Hargeysa(GNN):- Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), ayaa ka hadlay Shirka Golaha Dhexe ee dhawaan Guddoomiyaha XIsbiga Kulmiye Muuse BIixi Cabdi cayimay wakhtiga la qaban doono, waxaanu xubnaha kala duwan ee ku jira Golaha Dhexe ugu baaqay inay u diyaar garoobaan.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel),ayaa isaga oo Wargeyska Geeskak Afrika u wareysi gaar ah siiyey sidoo kale ka digay Qabyaalada, oo uu sheegay inay hadda aad ugu badan tahay dalka, waxaanu yidhi “Shirkii Golaha Dhexe ee Xsbiga waa la cayimay wakhtiga uu qabsoomayo, sidaas darteedna waxa aan ugu baaqayaa dhammaan xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye inay u sii diyaar garoobaan, diyaarna u ahaadan Shirka, si uu Shirka Golaha Dhexe sii wacan inoogu dhaco.”

Jaamac Shabeel ayaa maruu ka hadlaayey Qabyaalada ayaa yidhi “Waxa aad mooda inay Qabyaaladu aad inoogu soo badanayso, oo si khaldan loo isticmaalayo, waxaana jira dad Telefeshinada la soo fadhiista qabyaalad iyo haddii aanu nahay reer hebel, maaha in la dhiirigeliyo qabyaalada, oo si aan haboonayn loo isticmaalo, dadka reer Somaliland waa mid, waxa aan leeyahay isku duubnada, oo qabyaalada ka fogaada, oo nabadgeliyadiina iyo horumarkiina ka taliya”

Dhinaca kale waxa uu hambaliyo iyo bogaadin u diray dhammaan Shacab weynaha reer Somaliland iyo Umadda islaamka oo uu ugu hambaliyeynayo munaasibada CIida Adxa
Gabiley.Net

Gabiley Office