Jamaal Cali Xuseen Oo Ka Dareen Celiyay Gacan Ka Hadalkii Saaka Dhex Maray Shirguddoonka Wakiilada.

Hargaysa(GNN)Musharaxa Jagadda Madaxtinimadda ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, MD. Jamaal Cali Xuseen,ayaa ka hadlay dhacdadii Saaka ka dhacday Gollaha Wakiiladda,taas oo Muran ka dhashay Mooshin ay soo diyaariyeen Xildhibaanadda Muxaafadka ah ee Xisbiga KULMIYE sababtay in Dagaal gacan ka hadal ahi dhex-maro Gudoomiyaha Gollahaas iyo ku-Xigeenkiisa.

jamaaal

Jamaal Cali Xuseen ayaa Sheegay inaanay Dawlad-nimadu ahayn in Xoolaha Dadwaynaha Sidii Doono loo isticmaalo,waxaana uu Cadeeyay in Madaxtooyadu hadii Ay joojin Waydo Qaska ay Golaha ka Dhex wado Qasriga Loogu Soo Daadan Doono.

Waxa uu Sidaasi ku sheegay qoraal kooban oo uu Goor dhawayd Soo dhigay Barta uu ku leeyahay Facbooga isaga oo Fariin u diray Xukuumadda.

“Sidani Dawladnimo maahee waa Budhcadnimo; maanta Ninka Dagaalka ka dhex bilaabay Golaha Wakiiladda Ee Cirro ku Qaad qaaday waa Baashe, hadduu sidan xukuumadda Kulmiye ee Siilaanyo Iyo inta ku xeeran Ee boobka wadda ay sidan dhaami waydo shacabkaa madaxtooyadda Ugu soo daadan Ee taasi maskaxda ha galiyaan.

intaas waxa uu ku daray isaga oo hadalkiisa siiwata waxaana uu yidhi.” Weligeen wax Kulmiye ka liita oo ka boob Badan Maan arag, Waar Imika ma Kulmiyihii xunbeyn jiray Ee UDUB ku haystay wax baad iibiseen ayaa loo taag laayahay. Haddii maanta ay Tani ka dhacayso Golahii wakiiladda, Siilaanyo Iyo inta ku xeerani ha ogaadaan inaan laydinka ogolaan doonin in sidaa doontaan ay socoto; hadda Siyaad Barre Iyo Qadaafiba waxa galaaftay madax adaygoodii iyo kibirkooddii.

Gabiley.Net
Gabiley Office