Kooxda Real Madrid Oo Adduun Lacageed Ugu Deeqday Qaxoontiga Ka Soo Qaxaaya Wadanka Suuriya

Gabiley(GNN )Kooxda Real Madrid aya baahisay inay ugu deeqi doonto qaxoontiga wadanka Suuriya adduun lacageed oo dhan 1 Millioin Euro .

Kooxaha waaaweyn ee ka dhisan qaarada Yurub ayaa bilaabay olole ay ku taageerayaan dadka ka soo qaxaaaya colaadaha ka soconaaya wadanka Suuriya , iyaga oo bilaabay olole ay hal ku dhig uga dhigeen ‘’ waxan taageerayaa ragga , dumarka iyo carruurta kuwaas oo lagu qasbay inay ka soo yaacaan wadankoodii , iyaga oo ka soo ordaaya dhimasho iyo dagaal halkaas ka socda ‘’.

real

Florentina Peres madaxweynaha kooxda Real Madrid aya sidoo kale dhambaal taageero ah ka helay raa’iisal wasaaraha wadanka Spain ee Mariano Rajoy maalinimadii Jimcaha ahayd , isaga oo ku dhiiri geliyey in kooxda Real Madrid ay hore u si wado taageerida dadka baahan ee ka soo yaacaaya colaadaha ka aloosan wadanka Syria .

Gabiley.Net
Gabiley Office