Liiska 22 Magac Oo Dawlada Shiinuhu Ka Mamnuucday Musliminta Dalkeedu Inay Carruurtooda Ula Baxaan

Beijing, (GNN):- Dawlada Shiinaha ayaa dhawaan soo saartay liiska magacyo muslimiinta dalkaas laga mamnuucay inay carruurtooda u bixiyaan, waxaanay dawladu liiska magacyadan ay ka xaraan tinimaysay, Muslimiinta si gaar ah ugu gooni yeeshay, maamuul hoosaadka bariga Turkestan iyo Xinjiang (Siyaan jiin), kuwaas oo ah labada gobol ee Muslimiinta dalkaasi degaan.

Sida wararku tilmaamayaan ilmo kasta oo loo bixiyo magac ka mid ah 22 kan magac ee la mamnuucay waxa uu waayi doonaa, xuquuqdiisa aasaasiga ah, sida waxbarashada caafimaadka iyo aqoonsiga dalkaas, waxaana lagu wargeliyay inay u hogaansamaan oo aanay carruurtooda u bixin 22-kan Magac oo ay ku jiraan Magacyada Xaasaskii Nabi Maxamed (NNKHA).

CAJAB(1).jpg

22-kan magac ayaa u kala qaybsan shan iyo toban Magac oo Wiilasha aan loo bixin Karin iyo todoba iyagana laga mamnuucay in loo bixiyo hablaha, waxaana si rasmi ah ay dawlada Shiinuhu sharcigan u dhaqan gelisay maalintii koowaad ee Ciidal Odxaha ku beegnayd, waxaana shan iyo tobankan magac ee la mamnuucay in carruurta loo bixiyo lagu dhejiyay fagaarayaasha, Cusbitaalada, waxa kale oo lagu soo daabacay wargeysyada degaanadaas ka soo baxa.

Liiska shan iyo tobanka magac ee aanay muslimiintu u bixin Karin, wiilashooda u dhasha ayaa kala ah, Bin Laden, Sadam, Xuseen, Carafaat, Mujaahid, Mujaahidullaah, Azad, Cabdi Casiis, Sayfullah, Khalid, Sayfu Diin, Nasrullah, Shamsu Diin, Nasrudiin, Fajru Diin.
Hablaha ayaa iyagana laga mamnuucay in loo bixiyo todobadan magac:-
Aamina, Muslimo, Muumina, Khadija, Caasha, Fatimah Iyo Munisah,waxaana sharcigani u si rasmi ah u dhaqan galay, maalintii koowaad ee Ciida Carafo, waxaana qoys kasta oo ka dhega adayga loo sheegay in ilmahoodu waayo doono, xuquuqda carruurta kale ee dalkaas.
Gabiley.Net
Gabiley Office