Loolanka Murashaxiinta Xisbiga Kulmiye Oo Cirka Isku Sii Shareertay Iyo Wasiirkii Hore Ee Maaliyada Oo kulamo Gaar Gaara La Yeeshay Xubno kamida Golaha Dhexe Ee Xisbiga.

Hargaysa(GNN) Loolanka Xisbiga kulmiye Dhexdiisa ayaa Maalinba maalinta ka Danbaysa Cirka isku sii Shareeraya kadib Dhawaaqii Gudoomiye Muuse Biixi ee Shirka jaraaid uu ku Qabtay Qasriga Madaxtooyada S/land Shirkaasoo uu ku cayimay maalmaha uu qabsoomayo Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye.

Sidoo kale Loolanka ka dhaxeeya Murashaxiinta ku hirdamaya Murashaxa Madaxwaynaha ee xisbiga kulmiye ayaa noqotay Sheekada Bulshada iyo Warbaahinta Madaxa banaani ugu hadal haynta badan tahay.

samaale

Hadaba Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyada C/casiis Samaale oo kamida murashaxiinta ku loolamaya gudaha xisbiga kulmiye ayaa maalmihii ugu dabaysay kulano gaar gaara la yeeshay Xubno kamida Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Sida oo ay noo xaqiijiyeen Xubno Golaha dhexe ka mid ahi .

 

Xubnahan oo ka badheedhay Taageerada ay u hayaan C/casiis Samaale ayaa noo xaqiijay in ay kalsooni ku qabaan in uu guulo ka soo hoyn karo Loolanka uu ugu jiro in uu ku guulaysto Murashaxa Madaxaynaha ee Xisbiga Kulmiye

Dhanka kale Shir doceedyadan lagu taageersan yahay Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyada C/casiis Samaale ayaa laga wadaa Guud ahaan Gobolada S/land oo ay ku sugan yihiin Saaxiibo ay Aragtiyo badan wadaagaan Xisbiga Kulmiyana Dhiig u soo wada shubay Yagleelkiisii.

Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyada C/casiis Maxamed Samaale oo Mudada Xisbiga Kulmiye jiray ahaa Tiir ka dhex muuqda Hogaanka sare ee Xisbiga Kulmiye Miisaan Culusna ku dhex leh Golaha dhexe ayaa la filayaa in Madaxwayne Siiraanyo uu ku Taageeri doono Hankiisa Siyaasadeed ee Murashaxa Madaxwaynaha ah

C/casiis Samaale oo ah Siyaasi Qunyar socoda Madaxwayne Siiraanyona ka dhaxayso saaxiibtinimo dheeri Talooyin badana ka qaatay Sida Magacaabistii Wasiirka Maaliyada isagoo ahaa G/Xigeenka Golaha Wakiilada S/land oo Maamuus Distooriya lahayd ma Aaminsani in ay is Casilaadan u danbaysay Wiiqi karto xidhiidhkii ka dhexeeyay Madaxwayne Siiraanyo iyo C/casiis Samaale sidaa waxaa yidhi mid ka mida Xubnaha Golaha dhexe isagoo Sharaxaya Shaqsiyada C/casiis Samaale WAXUU yidhi

C/casiis Samaale waa Hogaamiye hansan haladag oo hadafcad waxuu ka mid yahay dhalintii Aqoonyahanka ahayd ee Dalka dibadiisa ku sugnaa Waqtigii Halganka balse Halgankii dib u xoraynta Qaran hadh iyo habeenba aan ka nasan soo ururinta Taakulada dibad joogu ku taageeri jireen Xoogagii S/N/M ee gudaha dalka ka dagaalamayay waxaanu C/casiis Samaale noqday Gudoomiyaha Jaaliyada S/land ee Yaman

C/casiis Samaale Waa Shaqsi qunyar socoda Waa Aqoonyahan Cilmiga Diiniga iyo Maadigaba ku takhasusay kana qayb qaatay Dib u dhiskii Yagleelkii Somaliland waxana lagu xasuustaa soo noolayntii Waxbarashada Dalka.

C/casiis Samaale waxuu Saaxada Siyaasda ku soo biiray Sanadii 2002 Waqtigaa oo Madaxwayne Siiraanyo ku dhawaaqay Xisbiga Kulmiye waxaanu hormood u ahaa Xubno Aqoonyahana oo dhiig cusub u shubay Aaasaaskii Xisbiga Kulmiye isagoo Madaxwayne Siiraanyo garab iyo gaashaan u noqday

Sidoo kale C/casiis Samaale waa Astaan lagu xasuustu guulihii baaxada lahaa ee Xisbiga Kulmiye ka soo hooyay doorashooyinkii dalka ka dhacay C/casiis Samaale waxuu Gudoominayay Sadex Shir oo Xisbiga Kulmiye hore u qabsaday shirarkaasi oo kusoo dhamaaday Guul.

C/casiis Samaale waa Siyaasi aan ku shaashoobin Saaxada Siyaasada iskuna kalsoon Sooyaalkiisa Siyaasadeed ku kooban yahay Xisbiga Kulmiye ee uu ka dhex Taramayo waa Siyaasi Aqoon dheeraada u leh Xubnaha Golaha dhexe Xidhiidh Saaxiibtinimo oo qoto dheerina ka dhexeeyo.

isku soo wada duub oo waxaa laga war sugi doonaa halka ay sal dhigato loolanka adag ee ka dhexsocda xisbiga kulmiye iyo halka ay ku danbayso.

 

 

Gabiley.Net

Gabiley Office