Maayirka gabiley Oo Noqday Maayirkii Ugu Horeeyey Ee Halmida Ka Wada Dhiga Xildhibaanada Golahooda,Daawo Sawiradan.

“Mataanaha lugaha iyo Gacmmuhu Kalama Maarmaane, Mid Hadii la jaro Teeda kale waa u Miligtaa”
Hargeisa(GNN):-“ Dhinaca Horumarka marka Laga Hadlayo Ama Guusha Waxaa Kaliyaata Ee Lagu Gaadhi Karaa Waa Kalsooni Iyo Isku Duubni, Intaaba Waxaan Odhan karaa Markii koowaad ee Lagu Arko Golaha Deegaanka gobolka gabiley Iyadoo uu Sabab u yahay Amiin oo Nin Dhaliyara Oo Tusaale U Noqon Kara Dadbadan oo Siyaasad Ahaan Kasoo Jeeda Gobolkan…Prof…..C.nuur faarax Ismaaciil”
Waxaa farxad iyo dareen qiiro leh galisay qaar kamida qurba jooga dalka Somaliland gaar ahaan kasoo jeeda gobolka gabiley, Nidaamka iyo habka wada shaqayneed ee ay iskugu dhafanyihiin golaha deegaanka ee gobolka degmada gabiley, iyadoo hore laagu arki jiray tafaraaruq iyo kala qaysanaan ay marmarka qaar dhici jirtay inay isku adeegsadaan media, Nasiib Wanaagsane Muddo laga joogo Ilaa Afar Bilood Markii maayir ka Noqday Ee Ay golahu U Doorteen Inuu Hogaamiyo Maxamed Amiin Cumar Cabdi Waxaa uu Tirtiray Caqabado Faro Badan oo Dhexyaal Ka Maamul Ahaan iyo Ka Gole Ahaanba.
Waxaa uu Kadhigay Khilaafaadka Golaha Kuwo Dhexdooda Ay Dhameeyaan haddiiba Ay Wax Isku Qabtaan oo Aan Marnaba Dibada Uga Bixin, Waxaa uu Cadaalada Iyo Sinaan Dhex-Dhigay Dhammaanba Xildhibaanada Golaha Iyo Hawalwadeenada Dawlada Hoose,
Iyadoo Xaqiiqadu Tahay Waxa kaliyaata Ee Dadka Deeqay Ay Tahay Cadaalada Iyo Sinaanta.
Golaha Deegaanka gabiley Waa Markii koowaad Ee ay Dhacdo in Xildhibaan kasta oo Shacabku Soo Doortay Isagoo Dhoolacadeyna Si Laabfurnaan ah isku garab istaago maayirka marka Ay ku Gudo Jiraan hawalaha Shaqo Ee Gobolka Sida Dhagax-Dhigyada Mashaariicaha Horumarineed Adeegyada Kale Ee Dhinaca Arimaha Bulshada,
Waxay ii Ahayd markii ugu horeysay ee aan La Kulmo shir gaara oo Ay Wada leeyihiin Mudanashaa golaha deegaanka oo ay goobjoog ka yihiin maayirka xoghaya iyo badhasaab ku xigeenka gobolku,
Ixtiraamka iyo Isqadarinta ayaa Qaybweyn Ka ah Kalgacalka Iyo Xidhiidhka Wanaagan, waxaa shirkaasi maayirka golaha deegaanku maxamed Amiin Cumar Abdi Ku Dhiirigalinayey In Xildhibaan kasta Afkaartiisa Cabiro oo Rayigiisa soo bandhigo, Ilaa ay Dhammaantood Wada Hadleena Ma uusan Hadlay Waxaana uu Si Sharaf Iyo Qiimo Leh Midkasta Ugaga mahad Celiyey Odhaahdiiisa,
Kaaga Darane Sida wacan ee Xildhibaan Kasta Oo Golaha Kamid Ahi uu wakhti iyo Dhegaysi u Siinayaa Waxay Ahayd Lama Arag.
Dhinaca Dhaqaalaha Golaha Deegaanka Gabiley Waxay Sidoo kale Tahay markii Ugu Horeysay ee Ay Dhaqax Dhigaan Mashaariico baaxad Leh oo Qiimaha Lacagta Ku baxayaa Aaanu Ahayn Wax Yar, Sida Garoonka Mo farah iyo Cusbitaalka Cusub Ee Hooyada iyo Dhalaanka Ee Golaha Deegaanku Maalintii Doraad Dhagax Dhigay,

Xildhibaanada Qaar Aan la Sheekaystay Kalmadaha Layaabka Leh Ee iga Soo Duushay Waxaa kamid Ahayd, “Waxaa Uu Simay Maayirku Miisaankii Xildhibaaanada” oo Macnaheedu tahay majirto Dhinac Dhaqaale Iyo dhinac maamulba Dad Gaara Oo uu Talada Ka Qaataa Amaba Ay Isku Xidhan yihiin.”
Taariikhda Golaha Deegaanka gabiley Ayaa Abid Noqoneysa In Iskuduubni Intaa Leegi Dhextimaado, Iyadoo Arrintani Ay Noqoto Mid Sii Waarta Gobolka U Horrseedi Doonta Horumar Iyo Inuu Dhismo Dhinac Walba. ………………Lasoco Qaybaha Danbe.
Halkan Ka Daawo Sawiradooda.

11998816_866841596739218_4122132604602686041_n11998998_866841626739215_3265056021181423969_n

vlcsnap-2015-09-05-17h53m30s962

11949313_866841343405910_2515194087354692653_n

vlcsnap-2015-09-05-17h52m17s331

11998998_866841626739215_3265056021181423969_n

10891605_866841550072556_8561163652832613639_n

11990500_866841466739231_2959929445110325864_n

11960170_866841386739239_8106286441535784156_n
Hargeisa Office