Madaxwaynahii Dadkani Doortay Xaguu Joogaa, Miyuu Maqan Yahaya.Halayga Jaahil Saaro ……. Xildhibaan Gacan –

Hargaysa(GNN)Xildhibaan Maxamed Muuse Obsiiye(Gacan) ayaa Tuhun Galiyay inaanu Madaxwaynaha somaliland dalka Ku sugnayn Madaama oo xaalada badan oo dalka ka jira uu afka ka xidhay,waxaana uu tilmaamay in Ay Shacabku Madaxwaynahooda u baahan yihiin inuu Xaalka ka dalka ka hadlo.

Xildhibaanku waxa uu Sheegay in Xukuumadani wakhtigeedii Dhamaado ku jiro taasin ay sabab u tahay iibinta,Xaraashka iyo kiraynta ay Ku Wado Dantii umadu wada lahayd,Gacantana u galinayso Shaqsiyaad dano gaara Wata.

Gacan ayaa tilmaamay in Aduunkii Somaliland iska Soo xidhay,28kii dawladood ee basaaboorka somaliland lagu tagi Jirayna Ay isa soo xidheen Ethiopiana Gabaabsi Tahay sida uu cadeeyayna shacabkana hagar Daamana ku hayso waxaana uu yidhi.
Maanta hadalka aynu nidhaah waa waalalow,Shacabka somaliland waxaan waydiinayaa Madaxwayne Cod Badan ayaynu Siinay kursiga uu fadhiyana isaaq Nimo ayaynu ku dooranay,wax kale kumaynaan Dooran,marka horena isaga oo hadlayaba mahaynba oo qadiyad kasta oo dalka ka dhacda cidi kama hadasho,xitaa sheegashada somaliland la sheeganayo ee ninka xamar joogaa leeyahay naga mid weeyaan kamuu hadal.

Intaas waxa uu ku daray.” markaas idinka waxaan idin waydiin lahaa Laftiina,Hortu madaxwaynaha aynu dooranay Xaguu jiraa,Majoogaa ma-maqan yahay,Meeshu uu jirana waan u baah nahay inaad iga jaahil saartaan meeshuu ku maqan yahay,dawlada ayaynu ahayn ninbaa hogaanka inoo hayay caalamka waa uu ina Ictiraafsanaa,Sideed iyo labaatan dawladood ayaa baasaboorkeena lagu tagi jiray,maanta aduunyada waynu ka soo xidhanay oo Ethiopia ayaa inoogu xigtoo,safaarada halkan hargaysa waakan Hortuban uun,meel kale oo aynu u baxaynaana majirto.

Xildhibaan Maxamed Muuse Obsiiye(Gacan) ayaa sheegay inta ay xukuumadan kulmiye xilka haysay ay dhamaan isa soo xidhay siyaasadii arimaha dibada isla markaas loo baahan yaha in Madaxwaynahu la Xisaabtamo Wasiiradiisa aan dalkaba mar u haynin.

“Safiirka Ethiopia Hargaysa u jooga uma haysto inuu Safiir yahay lakiin waxa uu isku haystaa inuu madaxwayne dalka ka yahay,mana qabo inuu madaxwayne dalkan ka jiro waa marka sida dhabta ah,aduunka intii kale waynu ka soo xidhanay Ethiopia ayaa jaarkeena ah oo shacabka dhibta ay ku hayso waad ogtihiin,somaliland qab-yaaladii ay samaysay ayaa tan dhaxal siisay,taasna hala ogaado.

waxa uu Xildhibaanku ka hadlay Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera iyo Xoolaha Xadiga badan eek a dhoofay dikada Berbera oo Saro Kac ay sameeyaan Mooyaane aanay Samaynin wax Kale oo Dalkan Faa’ido u leh waxaana uu yidhi.

“Xoolaha dalka ka dhoofay Tiradooda lama qiyaasi karo oo Malaayiin ayaa lagu qiyaasaa,Markaas Saro u kaca dollarka miyay inaga Jabin Kari wayday,waxa jira kooto sida haamaha dadka loogu xidhay oo kalaa,Dollarkii Cidbaa Kooto loogu xidhay ilaa Macaal Raashinkii,umadana waxa loo baahan yahay in La fahmo,Shacabkuna waxba ma ogoba”dalkuna waa iska Caro Rogonaan Doonaa Dalkani,Hamaha Wareejin toodu waa xaraan,Hadii Hunguri Cadka Lagu gooyo ayay la mid tahay.

intaas waxa uu ku daray.”Haamaha waxa loogu dhagan yahay oo ujeedka laga leeyahay yahay hadii La wareejiyo dalku Sii daganaan Maayo,Dalkuna halaga Daayo dhibaatada,wareejintu sharci maaha”Somaliduna waxa ay tidhahaa Ninka Adhiga Lagala Quusto Ayaa geela Loo Diraa,waar shalay Total ayaa laga cabaadayee Maantana Miyaynu ku celinaa kuwii qaar ka Sii daranba oon waxba garanayn,Maxay soo baxaysaa.

Shacabka Somaliland Xildhibaan Maxamed Muuse Obsiiye(Gacan) waxa uu ku dhiiri galiyay in Ay ka dhiidhiyaan oo Cududooda ku muquuniyaan Xukuumadan aan waxba reebayn waa sida uu hadalka u dhigeen,walibana ku taamaysa wareejinta kuwa kale ee soo socda.

Gabiley.net Netwrok Office Gabiley somaliland