Madaxweynaha Somaliland Oo Go’aan Ka Soo Saaray Loolanka Ka Dhex Jira Xisbiga Kulmiye Iyo Siduu U Arko Xalka Xisbiga

Hargaysa(GNN): Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxmed Silaanyo Ayaa Soo Saaray Xalay Go,aano Xal iyo Samo Unoqanayaa Xisbiga Kulmiye Oo Loolan Adagi Ka Jiro Ka Dib Markii Xalay Shirar Docoodyo Goonigooni ah Ay Layeesheen Wajiyo Kale Duwan Oo Isku Haya Hanasashada Madaxwayne Ee Xisbiga Kulmiye

Go,aankani Oo Madaxwaynu Usheegay Wajiyadii Kale Duwanaa ee Uu Xalay Uu Kula Kulmay Qasriga Madaxtooyada Madaxweynaha Oo Si Waafiya Uu soo saaray go’aan ah, in xisbiga Kulmiye uu ka dhaco tartan caddaalad ah, taas oo ay u siman yihiin dhamaan musharixiinta hanka leh. waxa kale oo madaxweynuhu sheegay in lagu ilaalinayo midnimada xisbiga Kulmiye iyo wada jirka umada, tartankuna yahay ka qudha ee wada jirka xisbiga lagu dhowri karo.
tani waxa ay ka dambaysay ka dib markii koox odayaal ah oo waxgaradka Oo Kasoo Jeeda Garbayada Isku Haya Hanashada Xisbiga Oo Ay u tageen madaxweynaha una sheegeen xalka xisbigu in uu ku jiro in la tartamo. waxa kale oo jirtay in koox uu Muuse Biixi soo abaabulay ay rabshad arinkan ka sameeyeen. laakin waxa ay u muuqataa in madaxweynuhu xal ka gaadhay arinkaa Sidaa Aaan Ka Helayno Xoga Rasmiya Oo Ka Soo Ifbaxaya Qasriga Madaxtooyada Somaliland.

 

Gabiley.net

Gabiley Office