Madaxweynaha Somaliland Oo kormeer ku tagay Deegaanka Biyaha Shiinaha Oo Ay Ka Socoto Balaadhinta Iyo Biyo Gelinta Caasimada Hargeysa (Sawiro).

Hargeysa(GNN):-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa kormeer ku tagay Deegaanka Biyaha Shiinaha oo ay ka socoto balaadhinta iyo biyo gelinta Caasimada Hargeysa.
Waxaana Madaxweynaha booqashadiisan ku wehelinaayey qaar kamida Golaha Wasiirada, Mudanayaasha Guurtida iyo Wakiilada, Maayirka Caasimada Hargeysa , Maareeyaha Wakaalada Biyaha, Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha, masuuliyiin ka socotay Hay’addaha UN-ka, qaar kamida Sakaariisha kala duwan ee Laamaha Amaanka.
Madaxweynaha ayaa ugu horayn booqday kaamka ay yaalaan qalabka loogu talo galay biyo gelinta
waxaana halkaasi warbixin kooban ku siiyey Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa kana war bixiyey agabka balaadhan ee loogu talo galay biyo gelinta Caasimada hargeysa iyo qaabka ay hawshu socoto, sidoo kalena waxaa uu madaxweynuhu socdaalkiisa ku tegay halka ay ka socoto qodista iyo gelinta dhuumaha xanbaara biyaha oo uu soo indha indheeyey, Madaxweynuhu waxaa sidoo kale warbixin kooban ku siiyey Maareyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa iyo sarkaal ka socday Hay”addaha UN-ka oo isna sharaxaad ka bixiyey qaabka ay u socoto hawsha biyo balaadhintu,
Madaxweynaha oo kormeerka ka dib ka qaybgalay xaflad balaadhan oo lagu daahfuray mashruuca biyo baladhinta Caasimada oo lagu qabtay Hotel Mansor hargeysa ayaa waxa ka mid ahaa Khudbadiisa ka mid ahaa “Mudanayaal iyo Marwooyin, Salaan qiimo badan ka dib, waxaan si gaara ugu mahadnaqayaa dadkii iyo Dawladihii gacanta ka geystay mashruucan, oo ay ugu horrayso Midowga Yurub (EU), Germany, World Bank iyo Dawladaha ku bahoobay Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee UK, Denmark, Norway iyo the Netherlands.Dawladdaydu, waxay isku hawshay sidii Dalkani u heli lahaa biyo, Dalka guud ahaan, gaar ahaanna Caasimadda oo in muddo ahba uu ka socday mashruuca biyo balaadhinta ee aynu manta joogno. Waxaa ku baxaya mashruuca biyaha ee Hargeysa xaddi lacageed oo gaadhaysa Konton Milyan oo Dollar-ka Maraykanka ($50,000,000).
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
Hargeisa Somaliland