Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Ka Qayb-Galay 2020 Arday Oo Ka Qalijabiyey Jaamacada Golis Hoos Ka Daawo Sawirada Munaasibadan.

Hargeisa(GNN) Jaamacada Golis Ayaa Sanadkan Waxa Ka Qalinjabiyey Tirada Ardaydii Ugu Badneyd Ee Ka Baxda Jaamacadaasi.Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici Iyo Wafti Wasiiro Ah Oo Uu Hogaaminaayey Ayaa Maanta ka qeyb galay 2020 ardey oo ka qalin jabiyey jaamacada gollis
Ardeydan qalin jabisay ayaa waxaa ay ka kala tirsanayeen alaamaha jaamacada gollis ee magaalooyinka Hargeysa , Berbera Iyo burco waxaana ay ardeydii ugu badneed abide ee hal mar ka qalin jabisa jaamacad dalka ku taala oo ka qabsoontey hotel Maansoor ee magaalada hargeysa ayaa waxaa ka soo qeyb galay xildhibaano , wasiiro , gudoomiyaha xisbiga Ucid , Xaaji Cabdi Waraabe , Masuulyiin kala Duwan iyo Waalidka ardeyda maanta qalin jabineysa Ugu horeyn waxaa halkaasi ka Hadley dhamaan hor joogaysha kuliyadaha ay bixiso jaamacada gollis waxaana ay ka war bixiyeen qaabka ay waxbarshada u bixiyaan waaana uu hor jooge kastaa u halkaasi ka akhriyey magacyada iyo tiradada ka qalin jabisay kuliyadiisa Gobo gabadii waxaa madasha hadalo kooban ka yidhi gudoomiiyaha jaamacada gollis Dr.Siciid Waxaa uu sheegay in ardeyda maanta ka qalin jabineysa jaamacada gollis tiradoodu dhan tahay 2020 ardey oo ka qalin jabiyey kuliyadaha kala duwan ee ay bixiso jaamacadani isla markaana wax ka kala bartey laamaha kala duwan ee ay jaamacadu ku leedahay gobalada dalka Ugu danbeyntii waxaa halkaasi kalmado mahad naq ah ka yidhi madaxweyne ku xigeenka somliland cabdiraxmaan cabdilaahi ismaciil saylici waxaana uu sheegay in uu aad ugu mahad naqaayo walidintii gacan ku so hayey ardeydan maanta qalin jabisay isla markaana uu u hanbalyeynaayo ardeyda maanta dhameeyey qeyb ka mid ah waxbarshadii ay in muddo ah soo wadeen Waxaa uu madaxweyne ku xigeenku ardeyda kula dar daarmay in ay halkaasi ka sii wadaan dad daalka waxbarshaduna aaney aheyn mid halkaasi ku dhaamtay waxaana uu ilahay ugu bareyey in cilmiga ay barteen uu noqdo mid dadka iyo dalkaba anfaca
Halkan ka Daawo Sawiradii Munaasibadan Qalinjabinta.1(593).jpg

2(538).jpg

3(509).jpg

4(467).jpg

5(415).jpg

6(377).jpg

7(322).jpg

8(301).jpg

9(248).jpg

10(252).jpg

11(293).jpg

12(201).jpg

13(169).jpg

14(145).jpg

15(139).jpg

16(117).jpg

17(99).jpg

18(89).jpg

19(75).jpg

20(80).jpg

21(78).jpg

22(122).jpg

23(57).jpg

24(51).jpg

25(47).jpg

26(39).jpg

27(34).jpg

28(29).jpg

29(29).jpg

30(25).jpg

31(26).jpg

32(24).jpg