Madaxweyne Siilaanyo Oo Dawladda Imaaraadka Ka Tacsiyadeeyay Askartii Kaga Dhimatay Dagaalka Yeman

Hargeysa (GNN)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa dawladda iyo shacbiga Imaaraadka carabta ka tacsiyadeeyay askartii kaga dhimatay todobaadkan dagaalka ka socda wadanka Yeman.

Waxa kale oo madaxweyne Axmed Siilaanyo uu dawladaha isbaysiga ee Sucuudigu hoggaaminayo ku bogaadiyay siday uga go’an tahay inay badbaadiyaan dawladnimadda dalka Yeman, sidaasna waxa lagu sheegay qoraal uu caawa soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul oo u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo oo ku hadlaaya magaciisa iyo kan shacbiga Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa dawlada Imaaraadka Carabta oo uu ka tacsiyadaynayo ciidamadii ka tirsanaa imaaraadka Carabta ee dhawaan ku dhintay Dalka Yeman oo kooxo nabad- diidi ay qas ka wadaan dalka Yeman.

Hore ayey Somaliland u cadaysay mawqifkeeda ku wajahan qalalaasaha Yeman ka socda oo dawladii sida sharciga ah uga jirtay Yeman ay duulaan ku soo qaadeen kooxo nabadgelyada iyo degenaanshaha gobolkaba cadaw ku ah, waxaanan taageeraynaa dedaalada imaaraadka carabta iyo Sucuudi Arabiya ay ku doonayaan inay ku badbaadiyaan shacbiga Yeman.

Waxaanu aad uga xun nahay ciidamadaasi imaaraadka ee lagu laayey dalka Yeman, shacbiga imaaraadka, dawlada imaaraadka iyo Madaxweynaha Isutagga Imaaraadka Carabta Sheikh Khalifa bin Zayid Al Nahyan tacsi ayaanu u daraynaa.IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.”

 

Log1