Malaayiin Muslimiin Ah Oo Maanta Ku Sugan Buurta Carafa, Iyaga Oo Gudanaya Tiirka Ugu Muhiimsan Xajka

Malaayiin Muslimiin Ah Oo Maanta Ku Sugan Buurta Carafa, Iyaga Oo Gudanaya Tiirka Ugu Muhiimsan Xajka

Maanta oo ay ku beegan tahay maalinta ugu muhiimsan gudashada waajibaadka Xajka ayaa waxa buurta Carafa ku sugan malaayiin qof oo muslimiin ah kuwaas oo ka kala yimid daafaha caalamka.

ww

Waxa buurta Carafa ayaa maanta kulmisay dad gaadhaya 3 milyan oo sanadkan gudanaya waajibaadka Xajka kuwaas oo iskaga kala yimid guud ahaan wadamada islaamka ah ee caalamka.
www

Dadka xujaajta ah ee maanta ku sugan Buurta Carafa ayaa ilaahay dartii taagnaan doona ilaa inta gabalku ka dhacayo, iyada oo cadceedu aad u kulushahay.

Dadka xujaajta ah ee ku sugan Buurta Carafa ayaa waxay mudada ay ku sugan yihiin buurtaasi wadi doonaan ducooyin iyo alle bari, iyada oo marka ay qoraxdu dhacdo u socdaali doona Musdalifa halkaas oo ay ka sii anba qaadi doonaan gudashada waajibaadka Xajka.

tt

Sidoo kale, Berri oo ah Maalinta Ciidul-Adxa ayaa waxay xujeydu gowraci doonaan xoolo, iyadoo dunida inteeda kalena laga ciidi doono ciidda labaad ee ugu weyn ciidaha Islaamka.

Ugu dambeyn, xajka ayaa wuxuu ka mid yahay shanta tiir ee Islaamka uu ku dhisan yahay, iyadoo Qof walba oo Muslim ah laga doonayo inta uu nool yahay inuu hal mar guto Xajka, haddii uu awoodi karo.

www

Si kastaba ha ahaatee, Sannadkan ayaa wuxuu Xajku kusoo beegmayaa xilli ay ka dhacday Mashaqo Masjidka Xaramka, kaddib markii uu ku dumay wish ka mid ahaa kuwa dhismaha ka waday, halkaasoo ay ku geeriyoodeen in ka badan boqol xujey ah.