Masuuliyiinta Dawlada Hoose Oo Raacay Dhabadii Masuuliyiinta Dawlada Dhexe, Cashuurtii Oo Ay Ku Kordhiyeen Ganacsatada Hilibka, Xabsigana Dhigay Cidii ka Gadooday

Masuuliyiinta Dawlada Hoose Oo Raacay Dhabadii Masuuliyiinta Dawlada Dhexe, Cashuurtii Oo Ay Ku Kordhiyeen Ganacsatada Hilibka, Xabsigana Dhigay Cidii ka Gadooday

sol.jpg

Masuuliyiinta Dawlada Hoose Oo Raacay Dhabadii Masuuliyiinta Dawlada Dhexe, Cashuurtii Oo Ay Ku Kordhiyeen Ganacsatada Hilibka, Xabsigana Dhigay Cidii ka Gadooday

Hargeysa(GNN):- Maayarka caasimada Hargeysa iyo maayar ku xigeenka caasimada Hargeysa ayaa xabsiga u taxaabay ku dhawaad 25 xubnood oo ka mid ah ganacsatada hiliblayaasha ee ka hawl gala magaalada Hargeysa.

Xadhiga xubnahan ka tirsan ururka Nafaqo ee hiliblayaasha ayaa ka danbeeyey ka dib markii shirkada maamusha kawaanka lagu qalo hilibka ee Maandeeq iyo dawlada hoose oo iskaashanayaa ay go,aan ku gaadheen inay ku kordhiyaan lacagihii lagaga qaadi jiray kawaanka qaliinka xoolaha.

Ganacsatadan hiliblayaasha ah ayaa ku dhawaaqay shaqo joojin ay kaga cabanayaan lacagaha dheeraadka ah ee lagu soo rogay kawaanka ay xoolaha ku qalan jireen taas oo keentay
in xabsiga loo taxaabo ku dhawaad 25-kaas xubnood.

Xubnahan la xidhay ayaa u badan hooyooyin ka hawl galayey suuqyada hilibka magaalada Hargeysa waxaana la xidhan masuuliyiin ka tirsan ururka Hiliblayaasha Nafaqo waxaana ay ilaa haatan ku jiraan saldhiga Macalin Haaruun ee magaalada Hargeysa.

Maayarka Caasimada Hargeysa iyo maayar ku xigeenka ayaan ilaa hada ka hadal xadhiga ay u gaysteen dadkan ganacsatada ee ka cabanaya lacagaha cashuurta ah ee ay ku kordhiyeen kawaanka xoolaha lagu qalo.

Maayarka caasimada Hargeysa ayaa mudooyinkii u danbeeyey aad looga cabanayey, isaga oo lagu dhaliilayo wax qabad la,aan iyo wax qabadka uu ku faano oo dhinac ka raran, balse xadhigan haatan loo gaystay dadkan ganacsatada ah ayaa ku soo beegmaya wakhti xasaasiya.

Masuuliyiinta dawlada hoose ayaa u muuqda kuwa raacaya dhabada ay jeexeen masuuliyiinta xukuumada dhexe ee ah in cashuurta lagu kordhiyo dadka ganacsatada ah ee aan qaadi Karin cashuuraha xad dhaafka ah.
Gabilleynews Network Office Gabiley somaliland